Af-hayeenka Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil oo ka digay shirar Hargeysa ka socda oo lagu Dhantaalayo Guddidii DUBUR

bootaan_01Berbera(SM):-Afhayeenka Xisbiga Ucid e Gobolka Saaxil Bootaan Guuleed Axmed Ayaa shirjraid o u manta ku qabtay magaalada berbera waxa uu ka hadlay Shirarka Dhawaanahan ay magaalada hargaysa ku qabsanayeen Odayaal dhaqameedka Gobolka saaxil Kuwaasoo Sida uu Sheegay afhayeenku Wajiyo Badan lahaa,
Af Hayeenka Xisbiga Ucid e Gobolka nsaaxil waxa uu si gaara uga hadlay shir maalintii shaly ahaaa ay wada yeesheen qaybo kamida Odayaasha Gobolka saaxl kuna qabsadeen magaalada hargaysa ,Waxaanu yidhi, Waxa aan uga digayaa Odayaasha ku Fakiraya in ay masaxaan meeshana ka saaraan Gudidii Beel waynta Ciise muuse ku dooratay Deegaanka Dubur in ay la kulmi doonaan caqbado xun o mushtamacooda ay kaga dhexbaxayaan , waayo shirkaa dubureed waxa u ahaa mid ka turjumayay siddi Gobolkan loo Horumarin lahaa dhinacyada waxbarashada iyo Caafimaadka, maadaama ay aad uga hooseeyeen Gobolada kale e somaliland wax siyaasadana aanu ku luglaheyn,

Xukuumaa somalilnd na waxa aan ugu baaqyaa in ay ka digtoonaato farhana aaanay la galin arimaha Odayaasha dhaqanka e gobolka saaxil Sababtoo ah waxa so ifbaxaya wararka sheegaya in Xukuumadu ay Holinayso shir wayne Beesha Ciise Muuse ah o Lagu Masaxayo Laguna kala Qaybinayo Shirwaynihii Dubureed e Gidida Odayaasha Dhaqanka eHoromarinta Gobolka saaxil Lagu Doortay.

Afhayeenka Xisbiga Ucid Waxa kale o uu Baaq u diray Siyaasiyiinta Kasoo jeeda Gobolka saaxil iyo salaadiinta, Cuqaasha iyo Waliba Aqoonyahanka Reer Saaxil Waxaanu Yidhi ,

Waxa aan Idiinka Digayaa igana Dardaaran ah in Talada Gobolkan saaxil aydaan bohol ka tuurin oo Salka Loo Dhigo Gacmo Kalena aanay Idin Adeegsan ,Waayo inta laysku kiin khuukhinayo arimuhu waa halis, Shacabka gobolka saaxilna waa dad reer somaliland ah Dawladnimadana jecel iyo wax wada lahaanshaha sidaa laajigeed Idnka ayay Gacmihiina ku jirtaa wanaag oo dhan qaranimada somaliland o la Ilaaliyaa iyo midnimadeedaba.

Alaa Mahadleh
Afhayeenka Cisbiga Ucid e Gobolka Saaxil