Afhayeenka Beesha Biimaal ee Jaaliyada North America:been abuur ayuu ahaa heshiiska saxaafada laga sheegay ee dhexmaray beelaha Biimaal iyo Habargidir.

news

Waxaa soo baxay been abuur kii ugu weynaa oo laga sameeyo dadka deeganka Sh/hoose taasoo ah mid laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed balse reer sh/hoose ayaa go’aan ku qaatay in ay marnaba ka tanaasulin xaqooda iyo ineey ka tashadaan aayahooda.

Anigoo ku hadlaayo magaca jaaliyada Beesha Biimaal ayaa waxaan rabaa in aan bulshada u ifiyo ineeysan jirin wax heshiis ah oo dhexmari karo Biimaal iyo Habargidr sababa soo socdo awgood:

1) Biimaal iyo Habargidr maaha dad wada dhashay oo heeb wadaag ah ama isku dhiig ah
2) Waxay kala degan yihiin 2000km dhul isu jiro oo kala ah Galgaduud iyo Sh/hoose
3) Dan wadaag iyo Ood wadaag midna maaha Biimaal iyo Habargidi sida beelaha gobolka wada dega aay isku yihiin oo kale
4) Dan siyaasadeed, mid dhaqaale, mid shacab iyo mid Qabiil intaba kama dhaxeeyso

 

Hadii intaas oo dan iyo deegan aaysan ka dhaxeyn Biimaal iyo Beeshan duulaanka kasoo qaaday gobolada dhexe maxay ka wada hadli karaan Habargidir iyo dadka deegaanka, maxaase keenay erayga dib u heshiisiin, dad wax ka dhaxeeyo ayaa wada hadlo ama is qabto waxaaba qalad ah oo aay dowlada ku qaldan tahay oo aay kusii fashilantay ineey taladaas keento maadaama sidaas dowladu qudheeda qabto waxaa hubaal ah in dowlada ay qeyb weyn ka tahay in beesha habargidr gobolka duulaan kusoo qaado, inkastoo horeyba loo ogaa in dowlada aay weeso u dhoorneen maadaama ay ciidankeeda iyo hubkeedaba ku taageertay Beesha Habargidir balsewaxaa la iloobay in xaqa hiiliyo oo dadka deegaanka difaacan karaan sharafkooda iyo karamadooda.

 

Wasiirka, Xillibaanada iyo cid allaale cidii ooga qeyb gashay magaca Beesha Biimaal ama wakiil ka noqotay ineey tahay cid qeyb ka ah waxa lala damacsan yahay beeshan Biimaal iyo walaalaha la dego

Gobolka hadeey noqon lahaayeen digil, shanta caleemod, 12 koofi, hintire, wacdaan, iyo dadka kale ee deegaanka wax ka dego si guud ayeey ooga soo horjeedaan beenta Muqdisho laga soo dhoob dhoobay saxaafadana laga aqriyey waana been aan sal iyo raad toona laheen beesha Biimaalna marnaba ma hareermari doonto danaha shacabka Sh/hoose oo ah in aan lagu dhex arkin askari kasoo jeeda gobolada dhexe oo isbaaro danbe dhigta deeganadaas iyo nin aan u dhalan gobolka oo Muqdisho iyo meelo daran laga soo macaabay waana muqadas lama taabtaan ah oo aan cidna looga tanaasuli doonin, isku dey walboo la soo sameyana waa laga hortagi doonaa inshaa allah.

 

Dadka u dashay gobolka waxaa waajib ka saran ineey ka hortagaan qayaanada loo maleegaayo kana hortagaan cagna aaysan soo dhigin calooshood u shaqeystayaasha u dhashay Gobolka oo wax ka maleegaayo iyo Mooryaanta uu hogaamiyo Wasiirka Arimaha dhulbalaarsiga C/kariin iyo cidii ku wehlisa intaba waa in si wadajir ah looga hortagaa mana aha mid aan jaaliyad ahaan ka fariisan doono inaan u gudbino beesha caalamka waxa ay wadaan dowlada boobka iyo musuqmaasuqa ku can baxday iyo sida aay garabka ugu siinayso mooryaantan Galagaduud insha’allah waa laga guuleystay inta dhimana waa lagu guulaysandoona
insha allah.

Afhayeenka Jaaliyada North America
Eng. Cabdullahi Axmed