Airport-Ka Muqdisho Oo Lagu Wareejinayo Shirkad Turki ah

Aug 4,2013 Muqdisho(SM) Waxaa dhawaan lagu wadaa in hawlaha iyo maamulida Airporka Muqdisho lagu wareejiyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga iyadoo laga wareejinayo shirkadii hore ee Skylink Arabia (SKA). Shirkada hawlaha Airporka lagu wareejinayo ayaa lagu magacaabaa FAVORI LLC waana shirkad Turki ah, qorshahan lagu wareejinayo maamulida airporka shirkadaasi ayaa bishii June la horgeeyey Golaha Wasiirada ee Dowlada Federaalka.

Maanta oo Axad ah ayuu wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Cabdullahi Ciilmooge Xirsi magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiinta ka socota shirkada FAVORI iyo SKA, kulankaasi oo looga hadlayey sidii shirkada cusub hawlaha qaar ulla wareegi lahayd, ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay saraakiisha ciidamada AMISOM oo iyagu dhanka amaanka qaabilsan Airporka.

FAVORI LLCShirkada FAVORI ayaa lagu wadaa in si rasmi ah xilka Airporka Muqdisho ulla wareegto 15ka bisha September ee sanadkan, waxayna shirkadan dib u dhis ku sameyn doontaa sida la sheegay guud ahaan airporka Muqdisho.

Shirkada FAVORI ayaa sheegtay inay gebi ahaan bedali doonto Terminalka airporka Muqdisho isla markaana casriyeyn doonto qeybaha kala duwan ee Airporka ka kooban yahay qorshahaasi oo kamid ahaa qorshii Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta uu horgeeyey Baarlamaanka Federaalka dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Luulyo (July).

Dalka Turkiga ayaa hawlo badan ka wada magaalada Muqdisho, waxaana horey magaalada u joogay shirkado dhismo oo hawlo horumarin iyo dayactir ah ka wada isbitaalada, wadooyinka iyo xarumaha dowlada, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan shaqaale badan oo ka yimid dalka Turkiga kuwaasi oo hawsha intooda badan wada.

Kadib weerarkii 27kii bishii lasoo dhaafay ee July lala beegsaday xarunta ay ku nool yihiin shaqaalaha Turkida ayey dowlada Turkida markale ku celisay inay sii wadi doonta hawlaha ay ka wadaan dalka Soomaaliya. Weerarkaasi ayuu ku dhintay askari Turki ah, halka ay ku dhaawacmeen qaar kale oo kamid ah shaqaalaha Turkida ee xaruntaasi ku sugnaa.

Dalka Turkiga ayaa ugu deeqay wadanka Soomaaliya deeq gaareysa 200 Milyan oo dollar, hawshaasi oo inta badan laga wado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Salaanmedia/Muqdisho Office