Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

AlShabaab Oo Soo Bandhigay Dhalinyaro Ajaanib Ah Oo Qaraxyo Ka Geysatay Magaalada Muqdisho

AlShabaab Oo Soo Bandhigay Dhalinyaro Ajaanib Ah Oo Qaraxyo Ka Geysatay Magaalada Muqdisho

Aug 10,2013 Hargaysa(SM) Maleeshiyaadka Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaal Video ah oo muujinaya Sadex Dhalinyaro ah oo heysata dhalashada Mareykanka oo isku Qarxiyay Muqdisho.

Wixii ka dambeeyay markii ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ay wiiqeen awooddii ciidan ee maleeshiyaadka Shabaab misana ay ka saareen Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, ayaa waxa ay maleeshiyaadkaasi billaabeen Qaraxyo ismiidaamin ah oo ay la eeganayeen goobo ay dadku ku badnaayeen, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan oo isugu jiray mas’uuliyiin arday, hooyooyin iyo dad biri ma geyda ah oo aan waxba galabsan.

Malleeshiyaadka Shabaab ayaa iminta barta Intarnetka soo dhigay muuqaal Video ah oo muujinaya Sadex dhallinyaro ah oo heysta dhalashada dalka Mareykanka kuwaas oo ay sheegeen in Laba ka mid ah ay Soomaali yihiin, halka midka Sadexaadna uu dhalasho ahaan yahay Mareykan, waxeyna xuseen in raggaasi ay ka mid yihiin kooxo qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliyay magaalada Muqdisho kuwaas oo galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed oo an waxba galabsan.

Arintan ayaa muujineysa in dhibaatooyinka ay maleeshiyaadka Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeeed ay qeyb ka yihiin ajaanib ka mid ah argagixisada kuwaas oo wadamadoodii uga soo tagay waxyeeleeynta ummadda Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in horjoogayaal ajaanib ah oo ka mid ahaa Shabaab hore loogu dilay dalkeena.

Maleeshiyaadka Shabaab oo ku caanbaxay dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed ayaa looga bartay iney ku faanaan xasuuqa ummadda, iyagoo banneystay daadinta dhiigga shacabka iyo dhaca hantidooda, taas oo keentay in shacabka Soomaaliyeed ay ka waayaan wax taageero ah kuna muquuniyaan handadaad xoog iyo cabsigelin.

Salaanmedia/Muqdisho Office




Leave a Reply