Askar iyo Ajnabi dhimasho iyo dhaawac loogu geystay Muqdisho+Sawiro

 

Muqdisho (SM)—Rag hubeeysan ayaa la xaqiijiyey in ay manta dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed dhaawacna u geystay Haweenay lagu sheegay dhalashadeeda inay tahay Swedan, inkastoo aan xaqiiqo dhab ah loo hayn Dalka ay u dhalatay

Falkan ayaa ka dhacay Salaadii Duhur ka dib meel ku dhaw Safaarada Turkiga ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxayna   Dad goob joogayaal ah ku sheegeen  Sababta dilkan keentay kadib markii laba baabuur oo ay kala wateen Ragga la dilay iyo kuwa wax dilay ay isku dhaceen dabadeedna muran halkaasi ka dhashay rasaas lagu furay Ciidanka Booliska iyo haweenayda Ajnabiga ah ee la socotay taasina ay keentay Dhimasha Labada Askari iyo Dhaawaca Haweenayda Ajnabiga ah oo iyadu goobta cagaheeda uga baxsatay

Waxana goob joogayaashu Shegeen inu sheegeen in Dablaydii Falka geysatay ay halkaasi isaga baxsadeen inkastoo Maydadka Askartaasi iyo Gaarigii ay wateen oo goobta yaalay ay Shabelle halkaa ku aragtay haddana waxaana goor dambe halkaasi gaaray Ciidamo Boolis ah dowlad iyo Maamulka Degmada Hodan  iyo Saraakiil ka tirsan Nabad sugida inkastoo ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadan.

IMG_8760

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_8761

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_8762

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_8763

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_8764