Baarlamanka Somaliya Oo Maanta Sanad Jirsaday Ka Warbixiyay Waxqabadka Mudadii Ay Xilka Hayeen

Aug 21,2013 Muqdisho(SM) Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay Waxqabadka Baarlamaanka mudada sanadka ah ee uu jiro ayaa sheegay in Xildhibaannada Baarlaanku ay waxyaabo badan u qabsoomeen sanadkii aynu ka soo gudubnay ayadoo dhanka kalena uu gudoonka Baarlamaanka rajo ka muujiyey ku guuleeysashada howlaha horyaala.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay waxqabadka Baarlamanka mudada sanadka ah ee uu jiray, isagoo tilmaamay iney dadaal badan ku bixiyeen sidii loo heli lahaa waxqabad la taaban karo oo ay ku qancaan ummadda Soomaaliyeed.

‘’Waxaa qabsoomay Afarti bilood ee koobaad in uu Baarlamanku isdhiso, markaad adiga isdhistaad wax dhisi kartaa, waxaa noo hirgalay 15 guddi oo ah guddiyadi uu ku shaqeyn lahaa baarlamanka iyo gudiyadii joogtada ahaa oo ka kooban gudoomiyayaasha gudiyada ayaa noo dhisam waxaa inoo xigtay in dalka aan u dhisno Madaxweyneyne, hadana aan u dhisno R/wasaare iyo gole wasiirro, barnaamijkoodana la ansixiyay taas ayuu ku mashquulsanaa kalfadhigi koobaad’’ ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Mudane Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in dabayaaqada sanadkii hore uu baarlamanku ansixiyay miisaaniyad kooban oo Sadex biloodle ah iyo howlo kale oo maamulka ah, sidoo kale waxaa uu xusay in baarlamanku uu xilligaasi sameystay xeer hoosaad uu ku shaqeeyo Baarlamanku, iyo inuu dejiyo istiraatiijiyo Afar sanadood ah.

Gudoomiye Jawaari ayaa si kooban uga sheekeeyay waxqabka Baarlamanka,  isagoo hoosta ka xariiqay in kalfadhiga Labaad ee baarlamanku uu ku guuleystay sharcidejinta iyo la xisaabtanka xukuumada iyadoo gudiyada baarlamanku ay kormeer ku tageen wasaaradaha dowlada iyagoo u kuurgalaya waxqabadkooda.

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo hadda sanad jirsaday ayaa  noqday baarlaman rasmi ah 20 Aug 2012 iyadoo mudadii sanadka aheyd ee la soo dhaafayna uu baarlamanku qabtay Laba kalfadhi iyo kalfadhi aan caadi aheyn oo socday muddo bil ah.

Salaanmedia/ Muqdisho Office