Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargaysa (International Book Fair) Oo Maanta Furmay

Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargaysa (International Book Fair) Oo Maanta Furmay

August 16th, 2013

HARGEYSA (SM)-Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargaysa (International Book Fair) ayaa si rasmi ah maanta uga furmay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha ee Caasimada Hargaysa.

Bandhiga carwadan ayaa ka waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Komiishanka Maamul Wanaaga Axmed Muxumed Madar,Safiirka Dawladda Ingriiiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, Qoreyaal, Hal-abuuro,Abwaano Aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo badan.

Aqoon yahan Jaamac Muuse Jaamac oo ka Mid ah Qaban qaabiyeyaasha Bandhigan oo Lix Sanno Jirsaday ayaa ka waramay Ujeedooyinka ay u soo Qaban qaabiyeen Waxaanu Xusay in Sannadkan ay Qallin Maal tiro badani ka soo qayb galeen Carwadan isla markaana ay ka kala socdaan Wadamo door ah oo caalamka ah Waxaanu intaas ku daray in Sannadkan ay u Xusheen in Mawduuca laga doodi doono Mudada uu Bandhigu socdo uu Yahay Socdaalka Isagoo Xusay in macanah eraygan oo balaadhan ay uga dhigeen In Yool iyo Ujeedo Quman loo sameeyo.


Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo ka Mid ahaa Mas’uuliyiintii ka qayb galay Furitaanka Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta ayaa soo dhaweeyay Bandhigyada noocan oo kale ah oo ka qayb qaadanaya ayuu yidhi Kor u qaadka Wacyiga Bulshada.

Safiirku waxa uu faah faahin ka bixiyay Xidhiidhka Taariikhiga ah ee Ka Dhexeeya dalkiisa iyo Somaliland , Isagoo Xusay in Somaliland ay tahay Geyi nabad ah oo Dimuquraadi ah.

Bandhigan oo sanad walba marka lagu qabto Hargeysa ayaa waxa lagag hadlaa waxyaaba badan oo ku taxaluqa dhinaca qoraalka,suugaanta iyo dhaqanka oo sanad walba lagu soo marti qaado dadka ugu horeeya dhinaca sugaanta iyo hal abuurka.

SM/Hargeysa