colaad sokeeye ciilbaa kahadha!!!!!!

MAQAAL
colaad sokeeye ciilbaa kahadha!!!!!!
halkan waxaan ku soo gudbinayaa  fariin aan udirayo dadka walaalaha ah ee colaadu kudhexmartay  oog iyo god heeli.
wax kastoo dhaca ilaahay baa qoray , xidhiidhka iyo wadda dhalashada idinka dhaxaysa ayaa ka wayn waxa dhacay,, dadkii dhintay ilaahay ha unaxariisto, inta dhaawacantayna  ilaahay ha shaafiyo..
waxaan dadka xusuusinayaa, in aanay maanta ahayn 2 beelood  ee ay tahay wiil iyo abtigii,,  waxaad tihiin dadka kaliya ee somaliland wada daga ee markii  si loo kala saaro oo loo kala garto lagaran waayay  loogu yeedho , habar lamaan,,    SIDA AAD ISU DHASHEEN AMA ISU DHEX GASHEEN CID ISU DHEX GASHAY MAJIRTO,
ma odhan karno qoloba imisaa kadhintay, lakiin waxaan leedahay  , hal guri baa laga wa ooyayaa oo  gublan iyo giiriyi hal mar kuwadatimid..
nabadu waa qaali,  gobolku maanta umuu baahnayn  dhibaato iyo colaad.
  dadkaa idiin soo gudmaday , waxay ahayd in iskuulo la idiinku dhiso qarashkaa aad maanta gaysateen..  maanta colaadaasi ciil uun bay reebaysaa.

WAR DIINTIINNA RAACOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR YAYDNAAN DICIIFINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR YAYDNAAN DAGAAGINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR YAYDNAAN DABAR GO’INE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DADNIMADA DHOWROO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU DAD WAAYINE JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR SHALLAYTI DIIDOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAD HORAA KU LUMAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR NABADDA KA DOORTOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DUUGGA DAMBE EEGOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU DAD WAAYINE JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DULMIGA LA DIRIROO JOOJIYA DAGAALKA
WAR ISKU DIRBAA JIRA’E JOOJIYA DAGAALKA
WAR YAYDNAAN DIB U DHICINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DIRICBAA KU DHINTA JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU DAD WAAYINE JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOQONI MA GARATEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR KALA DAMBEEYOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR SHAYDAAN LA DIRIROO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DANTIINNA EEGOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU DAD WAAYINE JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DUNIDII NA DHAAFTAYA JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAYAXAA LA GAARAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR INNAGAA DAMBAYNNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DULQAAD SAMEEYOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU DADWAAYINE JOOJIYA DAGAALKA….

 

c/risaaq  AHMED  JAMAC.