C/Raxmaan Cirro iyo calaamada madaxweynenimo!!!!

waddani

Siyaasi kastaa calaamad iyo tilmaan buu leeyahaya , wuxuuna raacaa qorshe isaga u gaar ah .

Siyaasi kastaa wuxuu leeyahay baalal siyaasadeed oo uu ku duulo , taasina waxay u keentaa  sahan guud oo u tilmaamama  halkuu dagayo.

 Gudoomiye c/raxmaan cirro  oo xiligan ah   musharaxa xisbiga waddani ee madaxwaynaha 2015 doolarasha Somaliland ka  dhacaysa  wuxuu  sahan  ka qaaday  wadada uu umarayo madax tooyada.

 

Hada bal aan eego ,  dadka siyaasada falanqeeyaa qaabka ay u tilmaameel   madaxwaynaha 2015, ee Somaliland sugayso, iyo sababta  ay ugu tilmaameen  c/raxmaan cirro masharaxa ugu tunka way ee u muuqda in uu madaxwayne noqonayo…

Dadka  siyaasada Somaliland u dhuun da loolaa waxay ku tilmaameen , siyaasi aan xidhin albaabada looga soo galo  xisbigiisa iyo  isagaba,  waxay koloo  ku cabireen siyaasi aan siyaasadiisu   isaga ku soo noqon oo aad uga fiirsada cida uu  la samaynayo iskaashi siyaasadeed.

Hadaba bal aan mid mid u eegno  sababta loogu xidhay  c/raxmaan cirro duubka madaxwaynaha 2015.

Dabeecada shacabka Somaliland waa mid  aan uumusin markii wax qaldanmaan , waa dal xoriyatul qawlku   xad dhaafay, wax kastana  waa la sheegaa, markii siyaasadu cakiranto   waa nin aamusa  oon xaalada dab ku sii qaban, eegana  bal xaaladu halkay ku danbaynayso..

Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa,  17 urur siyaasadeed ee Somaliland , wuxuu isagu hogaaminayay  waddani ,  ololihiisii siyaasadeed   wuxuu  ku mutaystay  in ururo siyaasadeed oo badani ku soo biiraan waddani ,  DR mahamed cabdi gaboose  oo dadku ku tilmaamaan   sahamiye siyaasadeed  oon kagaban   meesha uu doonayo, xiligan waa gacanta midig ee cirro,  marka la eego urur siyaasadeed kii bad baado  oo isna baaxad siyaasadeed ku lahaa Somaliland  xiligan waa  waddani .,  ilaa 12 urur siyaasadeed iyo hogaamiye yaashoodii baa ku biiray.

 

 

Xalintii khilaafkii madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa sookala dhexgalay iyo sidii uu uxalilay,  ayaa u keentay guul siyaasadeed c/raxmaan cirro.

 

Xisbigii  ucid iyo gudoomiye faysal oo 2sano weerar hawada ah kuwaday   xisbiga waddani iyo cirro,  xiligan wuxuu isu badalay  saaxiibo  kala baaday  duufaanada siyaasaduna  kalaqariyeen oo xiligan   si wax uwada arka.

Dadka saadaalinaya in c/raxmaan cirro madaxwayne noqonayo 2015 waxay   cabirkooda   ku jaan gooyeen , in uu yahay  nin  siyaasada  fahansan,  oo dabdamis u noqon kara xaaladaha soo waajihi kara xiliyada ad adag.

 

Xidhiidhka guud  ee uu la leeyahay madaxdhaqameedka Somaliland intooda badan iyo  goobaha dhalinyaradu isugu timaado oo markasta lagu arko ayay ku tilmaameen  in uu  kaga duwanyahay musharixiinta  xisbiyada kale……………….

Cabdi Siminaar

London