Daawo: Amin Arts oo si kulul u weeraray Maryam Qaasim

Amin ArtsFarshaxamiistaha weyn ee Amiin Caamir, balse loo yaqaano (Amin Arts), ayaa wuxuu farshaxankiisa uu ku weeraray Wasiirka Wasaarada Horumarinta ee Adeega Bulshada Maryam Qaasim Axmed.

Maryam Qaasim ayaa waxay Sabtidii sheegtay inay khalad ahayd haweeneydii la kufsaday inay la hadasho Idaacadaha, isla-markaana waxay sheegtay in looga baahnaa inay ku soo wargaliso Dowladda.

Haweeneyda la kufsaday ayaa waxaa 8-dii bishaan lagu kufsaday Xerada Militariga ee Maslax ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kufsigeeda geystay Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Amiin Caamir oo tix raac ku sameynaaya hadalka ka soo yeeray Maryam Qaasim, ayaa wuxuu ka sameeyay kartoon, xilli ay dadku wax layaab leh ku sheegeen, in Maryam Qaasim oo kale ay ku hadasho, hadalkii ka soo yeeray Sabtidii.

Maryam Qaasim

Salaanmedia/Mogdisho