Daawo Sawirada Meydadka Afar Gabdhood Oo Walaal Ah Oo Isku Meel Lagu Dilay iyo cuqubada ka dhalan karta.

Daawo Sawirada Meydadka Afar Gabdhood Oo Walaal Ah Oo Isku Meel Lagu Dilay

Muqdisho(SM)-Kooxo hubeysan ayaa saqdii dhexe ee habeen hore weeraray qoys reer guuraa ah oo hurdayey degaano ku yaala duleedka degaaanka Qeydara oo Konfur bari kaga beegan magaalada cadado una jirta qiyaastii 130 km kana tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia. 
dil_dumar_1 
Wararku waxay sheegayaan in kooxdan hubeysan ay rasaas ooda kaga qaadeen xili ay hurdayeen qoys ka koobnaa todoba walaalo ah taasoo sababtay geerida afar gabdhood oo qoyskaasi ka tirsan iyo dhaawaca sadex kale kuwasoo dhamaantood walaalo ahaa. 
dil_dumar_3 
Goob joogayaal degaanadaas ku sugan ayaa sheegay in qoyskan aabahood uu horey u geeriyooday, markii weerarkan uu dhacayeyna ay ka maqneyd hooyadood, iyagoo xusay in qaar ka mid ah dadkan walaalaha ah ee dhimashada iyo dhaawaca loo geystay ay ku jiraan caruur agoomo ah oo aan qaan gaarin 
dil_dumar_2 
Kooxda dilkan foosha xun geysatay ayaa baxsatay, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in falkan uu salka ku hayo dilal aanooyin qabiil ah oo mudooyinkanba u dhexeeyey labo beelood oo degaanadaas wada dega, waxaana la soo sheegayaa iney degaanadaas laga dareemayo xiisad ka dhalatay weerarkan, iyadoo laga cabsi qabo iney dhacaan dilal kale oo aargoosi ah. 
dil_dumar_1

Salaanmedia/Mogdisho