Danjiraha Ingiriiska Oo Ka hadlay Cilaaqaadka Somaliland Iyo dalkiisa

August 16th, 2013 

Safiirka Oo Loogu Baaqay Inay Dawladiisu Aanay Xidhin xawaaladaha Soomaalida

Hargeysa, (SM)- Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya iyo arrimaha soomaaliya Neil Wigen ayaa xidhiidhka Somaliland iyo dalkiisa ku tilmaamay mid soo jireen ah, isla markaana xilligan lugo adag ku taagan.

Safiirka oo maanta ka qaybgalay furitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa waxa ku dheeraaday xidhiidka qotada dheer eek a dhexeeya Somaliland iyo dawladda Ingiriiska, isla markaana waxa uu sheegay inay Somaliland ka caawiyaan dhinaca horumarka, iskana kaashadaan arrimaha ammaanka.

Safiirku waxa uu sidoo kale xusay doorka ay muwaadiniin Somaliland ka soo jeedaa ka qaateen horumarka dalkiisa. “Bulshada Somaliland iyo dalka Ingiriisku muddo ku siman boqolaal sanno ayuu xidhiidh ka dhexeeyay, aad baanan ugu faraxsanahay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalkayga ee maanta aadka u xoogaystay,” ayuu yidhi Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Itoobiya Mr. Mills Wigen, waxaanu intaas ku daray isagoo ka hadlaya xidhiidhka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee labada dal. “Wada-shaqaynta uu la leeyahay Ingiriisku Somaliland waa mid aad u badan, waxay dawladda Ingiriisku ka qayb qaadataa barnaamijyada horumarineed ee Somaliland iyo iskaashiga dhinaca amniga, waxaananu u samaynaa ciidamadda tabobaro. Sidoo kale, waxay labada dalka wada leeyihiin xidhiidh siyaasaddeed oo aad isugu dhaw, isla markaana aad u xoogan.”

Dhinaca kale, muwaadiniin reer Somaliland ah iyo masuuliyiinta carwadda buugaagta ayaa safiirka farriin ugu dhiibay xukuumadda Ingiriiska, taasi oo ku saabsanayd inay wax ka qabtaan arrinta xidhitaanka xawaaladaha Soomaalida ee baanka Barclays, taasoo ay tilmaamay inay caqabad dhaqaale ku tahay ummadda soomaalida oo lacagta ugu badan looga soo xawilo wadamada reer Yurub, gaar ahaan dalka Ingiriiska.

Salaanmedia/Hargaysa