Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Daraasad Kusaabasan Takhliga soo Gala tvga qaranka ee Aan ku Dhicin Qasnada Dawlada. “Waxaa mareeyaha tvga qaranku samaystay shaqsiyaad lacagahan account dahabshiila ugu shuba”

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa soo ifbaxaya dildilaaca hantida qaranka ee maareeyaha tvga qaranku ka lunsaday dakhliga soogala tvga qaranka. waxaa aynu maraynay barnaamijyada wacyigalinta ah ee haayadaha caalamiga ah uga baxa tvga qaranka, marka aynu ka nimaadno haayadaha ku sugan gudaha caasimada hargaysa waxaa maareeyuhuu wareegtooyin u kala diray wariyayaasha tvga qaranka uga soo warama gobolada iyo dagmooyinka dalka. isgoo ku amraya in aanay war iyo barnaamij ka qabankarin mashaariicda iyo barnaamijyada haayadahaasi ka wadaan gobolada dalka ilaa uu heshiis la galo. arintaasi waxaa ay sababtay in niyad jab ku yimaaado hawl wadeenadii tvga qaranka ee dadaalka iyo barnaamij curinta ka waday gobolada iyo dagmooyinka dalka. wariya yaasha gobaladu qalad umay arkeen hadii

khadar Cali Gaas

dakhligaasi ku dhacayo xafiiska wasaarada maaliyadu ku leedahay tvga qaranka, balse waxay ayaan daro qaran ku tilmaameen in maareeyuhu ku qasbay in lacagta ay ka qaadaan haayadaha ku soo diraan nobarka zaadka

ee maareeyuhu leeyahay, dakhliga hayadaha gobolada laga qaadaana uu sidaa sharcidarada ah ugu dhaco jeebka maareeyaha tvga qaranka mr. khaddar xasan cali gaas. saxafiyiinta aragtida dheer ee ka hawl gala tvga qaranka ayaa arintan ku sababeeyay inuu jiro gaabis ku yimid xafiiskii maliyada u qaabilsanaa dakhligan maalaayiinta doolar ah ee uga soo xerooda tvga qaranka gobolada iyo dagmooyinka dalka. arintaasina ay sababtay inuu maareeyuhu caddaysto lunsiga hantidan qaran. geesta kale waxaa jira is maan dhaaf ku yimid qaar kamida wasaradaha dalka iyo maareeyaha tvga qaranka. isku

 

dhacan ayaa ka dhashay kadib markii haaydaha dalka

mashaariicda ka fuliyaan ay kharshka ku baxaya warbaahinta ku wareejiyaan wasaarada ay iska kaashadeen mashuuca la hir galiyay. tusaale ahaan madax wayne ku xigeenka Somaliland oo ah masuulka labaad ee ugu sareeya dalka ayaa ka qayb galay mashruuc baanka aduunku dhaqaale ku siinayay ganacsatada yaryar, arintaasi waxay sababtay in warkii iyo barnaamijkii laga soo diyaariyay mashruucaas maareeyaha tvga qaranku ku dhiiraday warkii iyo barnaamijkii isagoo dha

qaale ka raba waxaa arintaasi sababtay in madaxwayne ku xigeenku lasoo hadlo sababta uu u joojiyay baahinta mashruucan oo faaiido wayni ugu jirto ganacsatada in madax wayne ku xigeenku la soo hadlo mareeyaha tvga qaran waxaa sababay kadib markii marar hore uu amray in la joojiyo mashaariic haaydo fuliyeen oo madaxwayne ku xigeenku xadhiga ka jaray arimahaasi waxaa ay ina tusinaysaa in dhaqaale urursiga maareeyaha tvga qaranku ka

wado tvga qaranka, ay dhaawacaday nidaamkii iyo kala danbaytii haykalka dawladnimo. dhinaca kale waxaa jira in maareeyaha ay isku dhacaan wasiirka qorshaynta isagoo iska dhigaya inuu wakiil ka yahay wasaarada maaliyada. lacagna ka waydiiyay mashaariic wasarada qorshaytu wadayday oo ay haayado ka caawiyeen. wasiirka qorshayta qaraku dr sacad cali shire oo ah aqoonyahan daacad u ah dalka, laguna tiriyo dadka niceb musuq maasuqa ayaa fahmi waayay lacagta tvga qaranku waydiinayo wasaarada qorshaynta, maadaama ay kala yihiin laba haayadood oo dawli ah oo kala ah, warfaafin qaran iyo qorshayn qaran. waxaa suxufiyiinta aragtida fog ee ka hawl gala tvga qaranku arintan ku sifeeyeen in maareeyaha tvga qaranku dhaawacay nidaamkii dawladnimo iyo wada shaqayntii wasaaradaha iyo haayadaha dawlada. balse maareeyaha tvga qaranka qardajeexan ay ugu wacantahay, dakhliga uu ka qaado haayadaha caalamiga ah ee aan ku dhicin qasnada
dawlada. isagoo lacagtan uu ku ma,may la gashay wasaradaha dalka

baabuu

 

Lasa soco qaybaha danbe ee daraasadan.

Xigasho Rasminmedia




Leave a Reply