Dawladnimo mise gumaysi!!

0

Waxaan dhamaanteen kawada warhaynaa in Somaliya gumaystaha kahor ay ahayd xooga ugu awooda badan wadamada geeska africa xuduudaha dadka Soomaliyeedna uugaadhsiisnaa ilaa iyo chad oo ah meesha y katalinayeen qabiilka aadka ubalaadhan ee GARAHA amaba garre quraanyoow oo dega Etoobiya, Kenya, Sudan, iyo chad somaliyana xaruntooda ay ahayd, kasoo tag waxaa kadambeeyey ajuuraan oo iyana ilaa iyo burundi iyo bariga congo dega halkaasoo ay noqdeen iyaga iyo biyomaal, warday, iyo dagoodi, murunli, marre, iyo qabaail kale oo soomaliyeed oo kuligood isku noqday qawmiyada tutsiga, waxaa  dhacay dagaalo waaweyn oo dhex maray TIGRAY oo ahaa qabiilkii boqorada ka ahaa dhinaca waqooyi ee harada tana oo kutaala gobolka gondor ee itoobiya kamida kuwaasoo duulaan kusoo qaadi jiray saldanadii awdal ama adal oo xarunteedu ahayd zaylac waxaa 3dex goor lajabiyey  boqortooyadii tigray oo mar qabsatay  zaylac laakiin laga kiciyey iyadoo uu dagaalku gaadhay aksum oo ahayd caasimadii tigray dagaalkaas waxaa awoodiisa lahaa oo duulaanka ciidamada lafdhabar u ahaa shacabkii Soomaaliyeed ee daganaa inta udhaxaysa waqooyi galbeed somaliya ilaa iyo diri dhaba waxaan duulanka kala hogaaminayey qabaailka dirka ee GURGURAHA, JAARSADA, IYO AKISHAHA oo ahaa hogaankii madaxweyne DIR curadna u ahaa iyo SHEEKHAASHA oo ahaa qabiilka ugu aqoonta iyo dhaqaalaha badan aadna uga qaybqaatay labada dhinac ee dagaakii xabashida iyo kii talyaaniga.

0

Taariikhdaa faca weyn leh ee kajirtay goboladaas galbeedka Somaliya waa laqariyaa sababtana waxaa weeye waxay muujinaysaa taariikhda faca weynleh ee qawmiyada direed kulahayd umada somaliyeed dhexdeeda, dhinaca koonfureedna waxaa hogaaminayey qabiilka xiniftire oo guud ahaan looyaqaano biyomaal iyadaa ay taageerayeen qabaailka waaweyn ee gugundhabe, wacdaan, moobliin, jiidle, garre,warday, iyo jajeele,layiille,digil iyo mirifle,  dhamaan qabaailkan oo ahaa dagaalyahan aan gabanin oo dhiigooda uhuray ilaalinta deegaanka Somaliyeed xeebaha quruxda badanleh  marnaba lama hungurayn karin waayo ciidan joogta ah ayaa ilaalin jiray kuna dagaalami jiray waxaana ugu dambeeyey dagaalkii ugu qadhaadhaa ee ka dhacay inta udhaxysa mombasa ilaa iyo  xeebta muqdisho oo ay talyanigu  isku dayeen inay qabsadaan somaliya waxaa dagaalkaas difaacay somalida hogaaminyey boqortooyadii biyomaalka oo sifiican udifaacday umada somaliyeed inkastoo qabaailka somaliyeed qaarkood ay gaalada soo raaceen hadana somalida guud ahaan dagaalkaas way taageereen biyomaal difaaciisa dhulka qabiilkii ugu badnaa ee somaliyeed ee taageeray waa qabiilka sheekhaal, iyo moobliin,wacdaan,jiidle,layiille iyo digil kuwaasoo kuqasbay talyaanigu inuu kacararo degaanada bada ee koonfureed, aakhirkiina uu kasoo degay sinabada gobolda bari kuwaasoo kusoo hogaamiyey somaliya talyaaniga heshiis gooni ahna uu lagalay taasoo lagu heshiiyey in la tirtiro taariikhdii qiimaha lahayd ee umada somaliyeed lahayd oo laqariyo wixii gumaystaha kahoreeyey in somaliya ay wax ahayd iyo in dalka lagu hayo boob dhuleed oo labarakiciyo deegaanka beeraleeyda koonfureed ee hodanka ah ee shabelaha iyo jubboyinka waxaa layaab leh in somalida ay xitaa gaadhay in iskuulada laga ilaaliyo taariikhdeeda in caruurta loo dhigo iyadoo lagu dhigi jiray taariikho yurub iyo meela fog fog oo aan khusayn umada somaliyeed. waxaa maanta soomaaliya kasocda dawladnimo iyo dagaal siyaasadeed oo ay wadaan dadkii taariikhda madaw usmeeyay somaliya oo raba inay horjoogsadaan dawladnimda iyo iftiinka yar ee usoo bidhaamay umada somaliyeed waxaad moodaa qaar shacabka somaliyeed kamida inay aaminsan yihiin hadii aan qas wadayaasha lasiinin waxy rabaan in somaliya dawladnimadeeda burburayso, qaswade yaasha somaliya waa cadaw shisheeye danahooda wada oo aan umada somaliyeed dan uwadin, dalkana masuuliyadiisa looma dhiibi karo nin aan mudnayn inuu hogaamiyo umada rafaadsan ee dhaqaalaheedii tuugtu boobayaan, waxaa maanta ay lamid tahay somaliya 1960kii dalka Nigeria halkii ay joogtay meel ka liidata oo waliba aan lahayn milateri adag oo kudagaalama danah dalka, waxaa loo baahnyahay shacab garta qiimaha dawladnimada iyo masuuliyiin fahma hal adayga hogaaminta loo baahanyahay in lagu hago somaliya maanta, waxaana leeyahay dhamaan umad somaliyeed ee fahmaysa waxaan kahadlayo wakhtiga ha isaga luminina maamulo yaryar oo gobolo ah oo larabo in laydinku baabiiyo wakhtigiina siiya dawladnimo iyo qaranimo sare oo xooga sidii loo heli lahaa mustaqbal adagna loogu samaynlahaa umada soamliyeed ee baaba’san waxaan haysanaa fursad qaali ah oo ubaahan in lawada garto ka faaidaysigeeda. gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan ugu baaqayaa qof walba oo somali ah inuu kala doorto in somaliya ay daawlad noqoto  iyo in ay kudambayso dal laka qaybsado sida maabka ku sawiran ee ayqorshaysteen dawladaha dariska nala ah ee itoobiya iyo kenya.

 

Habiil Cabdi Haybe

London