Dawladuhu siday dunida ku abuurmeen?

CALI

Waad salaamantihiin… akhristayaal tanu waa qaybtii sadexaad. taxanihii dawladuhu siday dunida ku abuurmeen.
Qaybtii hore waxaynu joognay, qawlaysatadu maxay ahayd?
Aragtida jujuubka ama qawlaysatanimadu waxa layidhaahdaa ,dawladdu waxay ka dhalataa jujuub iyo awood (muquunis) ay adeegsato koox xoog lihi,si ay danteeda gaarka ah ugu gaadho,qaar ka tamaryar,hareeraheedana waxay ka abuurtaa kooxo budhca ah(sida budhcad badeeda reer garoowe oo kale)oo ay ku adeegtaan,maamulka (garoowe iyo boosaaso).
Waxaanay qawlaysatadu hareeraheeda ka abuurtaa ,budhcad yaryar oo aan degenayn,si ay ugu dhuumato ,oo aan iyaga loo xisaabin,waxay samay nayaana loo arag,oo loo yidhaahdo kuwan ayaa dhaama ,kuwaa.
Aragtidani waxay xukuumadu u aragtaa,inay wakiil u tahay,koox ama dabaqad bulshada ka mid ah,shaqadeeduna tahay inay dakhli ka dhacdo bulshada ku hoos nool intooda badan.
Dawlad la aantuna waxay keentaa,inay abuurmaan kooxo budhcad wareegta ah, oo tartan ugu jira dhaca iyo xaditaanka,ciday arkaana dhaca oo booba.
Falalkaasina waxay bulshada ka dilaan ,himiladii iyo rajadii bulshadu  ka qabtay mustaqbalka, iyo in ay bulshadu dalka maal gashi ku samayso,iyo waxsoosaar iyo waxqabsi.
Waayo ?majirto cid ku daalaysa beeridda midho ay og yihiin ,in cid kale goosanayso.
Sida la ogyahay budhcadda guurguurtaa waxaa dantoodu ku jirtaa inay ,dhacaan -boobaan-xadaan,waxa ugu badan ee ay qaadan karaan,dabadeedna ay baxsadaan,wixii aman doonana kama fekeraan.
Laakiin tartanka u dhexeeya budhcada waxa ka abuurma,in midkood istuso inay u faa iido badan tahay xakamaynta tartanta (taasuna weli kamay dhicin soomaaliyada koonfureed ,oo weli kooxuhu may kala adkaan,oo way isla daalaa dhacayaan…wakhti dheer baana weli u xadhay,inay koox qudhi ku adkaato.)
Wuxuuna u hawl galaa sidii uu ku baabi in lahaa budhcadda kale,isaga oo qudhina u uu bulshada ugu hadhi lahaa.
Dabadeed wuxuu noqdaa budhcad deggan.
Wuxuuna dagaal ku qaadaa budhcadda kale(sida maanta ka taagan koonfurta soomaliya).dadkii ay dhici jireena wuxuu ka dhigaa RACIYAD(shacib)magan u ah.
sidaasna wuxuu ku noqdaa KELIGIITALIYE.
WAAD MAHADSANTIHIIN …WABILLAHI ALTAWFI

Cali Maxamed Biixi