DEG DEG:Qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha “Faah faahin”. meel u dhaw xarunta Dahabshiil.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha meel ku dhaw Shirkada Dahabshiil laanteeda suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadada labaad waxaa uuna geestay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegaya in lagu tuuray gaadhi uu watay Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Xuseen Goleey halkaasina uu ku dhaawacmay, dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in nooca qaraxa aan ilaa iyo iminka lakala aqoon.

Qof dumar oo goobta qaraxa uu ka dhacay ka agdhaweyd ayaa kugeeriyootay qaraxaasi,dhaawaca ilaa afar ruux ayaa lasoo warinayaa ilaa iyo iminka.
Sarkaal ka tirsan maamulka Degmada Howlwadaag ayaa sheegayin qaraxa uu ku dhaawacmay Xuseen Goleey oo ah ruux ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya. Ciidamada ammaanka Dowladda Somalia ayaa wada howlgalo baadhitaano ah,iyadoo nawaaxiga goobta qaraxa uu ka dhacay ay tahay mid xidhan oo ciidanka ay joogaan.Wixii war ah ee kasoo kordha lasoco qaybahayaga danbe Insha Allah.

Salaanmedia/Mogdisho