DHAQAN XUMADA KA SOCOTA HARGAYSA DAAWO…CAWAYSKA HARGESIA ” CAJIIB” – HARGEISA NIGHT LIFE.

Hargeisa waxay la mid noqotay  “ Las Vegas  “  .Waxa laga furay goobaha cawayska “ Night Clubs “, oo loo bixiyay magacyo qalaad , sida .“ Cassa Loma; Cassa Balanca; Cassa Rossa;Panorama ; Crown,  “ iyo qaar kale oo badan. Waxa ku caweeya wiilaal & Hablo aan  qaan gaadhin “ teenagers”.  Dhaqankani wuxuu faraha ka baxay sanadahii u danbeeyay.Waxa ka dhaca fool xumo, kufsi iyo gacan ka hadal, keena dhaawac &  dhimasho. Ubadkaas waxa dhalay  inta hantida  haysata  ” Upper middle class”, sida – Ganacsatada, Xildhibaanada ,Wasiiradda iwm. Wadamadda gaallada waxa ka yaalla sharci. Qofku haddii uu ka yaryahay 18 jir, lama ogola inuu soo gallo goobaha cawayska “Night Clubs “ iyo in  laga iibiyo sigaar & khamri. Hadaba , waxa haboon Xukuumadda Kulmiye inay xakamayso  dhaqaankaas foosha xun, Golayaasha sharci dejinintuna inay soo saaraan sharci dabraaya. Maamulka & Mulkeelyaashuna waa inay sameeyaan nidaam ilaaliya anshaxa “ code of conduct”. Dhaliyaraddu waxay xidhanyaheen calanka Somaliland ee tawxeedku ku xardhanyahay.

Ali Ibrahim ” Baqdaadi” , Toronto