Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sanado badan kadib waxa ay dib u howl galineysaa Shirkadii Diyaaradaha ee Somali Airline iyadoona la rajeynaysa in dhamaadka sanadkan in ay si toos u howl bilowdo Shirkada Diyaardaah ee Somali Airline.
Wasiirka warfaafinta, Boostada Isgaadhsiinta iyo Gaadiidka ayaa ku dhawaaqay in shirkaddii duulimaadyada Somali Airline dib loo howlgelindoono dabayaaqada Sanadkan, isagoo intaa ku daray in hadda ay diyaar yihiin ilaa iyo Afar diyaaradood iyo qeyb ka mid ah shaqaalihii ka howlgeli lahaa isagoo hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiri doono.
Wasiir Ciil Moog ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Sanadkan Howl galiyaan Shirakada Diyaradaha Somalia Airline waxa uuna xusay in Shirkadu ay dib usoo celineyso astaantii qaran ee Soomaaliya ay horey u lahaan jirtay Shirkadii Somali Arirline.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee dagan xarumihii Shirkada Somali Airline in ay ka guuraan halkaasi si ay uga howlgasho Shirkada oo mar kale boorka dib looga jafayo.
Tan iyo Bur burkii Dowladii Dhaxe ee Soomaaliya ayaa meesha waxa ka baxay Shirkado badan ay laheeday Qaranka Soomaaliya ay kamid tahay Shirka Somali Airline oo hada la rajeenayo in ay dib u howl gasho.
Salaanmedia/Mogdisho