Dulucda Kulan Wasiirka Deegaanku la yeelatay Ha’yadaha caalamiga ah

Hargaysa (SM):- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa shalay kulan kula yeelatay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka sidii looga hortagi lahaa nabaad-guurka deegaanka.

Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka hadashay kulankaasi ay la yeelatay hay’ada ku hawlan ka hortaga xaalufka deegaanka ayaa sheegtay inay xukuumadda ka go’an tahay inay wax ka qabato xaalufka lagu hayo deegaanka, waxaanay tilmaantay in hay’adaha looga baahan yahay in ay wasaaradda deegaanka u soo gudbiyaan waxyaabaha ay ka qabanayaan deegaanka.

Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo arrimahaasi ka hadlaysa waxay tidhi “Deegaankeenu sida uu maanta yahay waynu wada ognahay waanan ka shaqaynaa oo muddo badan hay’ado faro badan baa ka shaqaynayay oo xooga saaray hadana waxaad moodaa in aan waxaan la riixin markaad eegto sida uu yahay deegaanku xaalufku ha ugu sii darnaadee maalinba maalinta ka dambaysa ka sii darayso iyadoo meel walba oo danaayo oo xataa magaalooyinka oo qashinku sii kordhaayo, sida aynu wax uga wada qaban lahayn hawlaha wax baan iska waydiinaynaa, wxaanan u baahan nahay qudhayadu barnaamijkiina in hay’ad kasta waxa ay qabanayso aanu ogaano oo aad noo soo gudbisaan aad baan u rabnaa.

Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa u mahad-naqday Wasiirka Qorsheynta Dr. Sacad Cali Shire oo ay sheegtay in uu qabtay shaqo wanaagsan, “Wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire wuxuu qabtay shaqo la yaable oo aad u wanaagsan oo basku soo dhigay cid kastaaba waxay doonayso ku muujiso inay diyaar u tahay wasaarad kastaaba halkeeda wax ka qabato, markaa wasaarada deeganka hawsha ugu wayn waa dhismaha wasaaradu waxay u baahan tahay in gacan wayn la siiyo, waa wasaarada aynu wada leenahay wasaarad dawladu kaligeed leedahay maaha”ayay tidhi wasiirku.

waxa kale oo ay tilmaantay wasiirku in xukuumada ay ka go’an tahay inay wax ka qabato deegaanka, waxaanay tidhi “Dawlad Somaliland waxa ka go’an in wax ka qabato deegaanka waa sababta loogu soo daray wasaarada deegaanka shanta wasaaradood eel ala shaqaynayo, waxa la arkay halka deegaanku marayo in ay wax ka qabato way ka go’an tahay xukuumada.”

Salaanmedia/Hargeysa