Gorfayn: Dheemankii lagu maamusay Maydh..Mohahed Abokor Yuusuf..Sweden

image

Hordhac
Tani waa  gorfayn aan kaga falcelinayo buug aan akhristay, oo magciisa la yidhaahdo Dheemankii lagu maamusay Maydh, oo uu qoray, nin la yidhaahdo Maxamed Cabdi Daaud. Buuggaasi wuxuu noqday mid saamayn ku yeeshay naftayda, oo aan aad ugu raaxaystay, wax ka bartay, isla markaa daaha iiga rogay waxyaabo ii muuqday oo haddana  aya igaga gudbanyd ciiro aad u weyni. Annigoo aan ka baxayn sharciga goorfaynta ayaan salaan Ilaahay igu ilhaamiyey oo barakaysan u gudbinayaa Maxamed Cabdi Daauud qoraaga buugga,  oo aanay naga dhexayn waxaan ahayn qoraa iyo akhriye, waxaa kaloo salaantaa mid la mid ah u gudbinayaa Yaasiin Ibraahim Faarax, oo ah aqoonyahan buugga akhristay oo jeclaaday inaan anniguna akhriyo, isla markaa la soo socday masaafo dheer ilaa u farta iga saaray oo uu igu yidhi “Maxamedow adaa mawduucan u ehel ah ee waa ku kaa”, walaahay inaan Yaasin ii sheegin waxa buugu ka hadlayo, dabeed Buss ayuu dedeg u raacay.

Waa kuma sheikh Isxaaq ibnu Axmed? Xagguu ka yimi? Goormuu yimi dhulka somalida? Siduu ku yimi? Duriyad aan ahayn tafiirtiisa somalida ah ma leeyahay? Xaggay joogaan?  Sheikh isxaaq, haddii uu sheikh diineed ahaa, ma leeyahay kutub uu isagu qoray? weydiimahaas iyo qaar kaloo badan ayuu buugani ka jawaabayaa, weliba si waafi ah.

Xaqiiqada Buugga

Cinwaanka:  Dheemankii lagu maamusay Maydh,  Sheih isxaaq ibnu Axmed
Qoraaga: Maxamed cabdi Daaud, Tariikhdii la daabacay:2012, Meseha: Hargaysa

Gudaha buugga

Waa buug kooban oo dhan 165 bog, jeldigga sare waxa dhinac kaga sawiran qudbiga Maydh ee Sheikh Isaxaaq, dhinaca kalena waxa lagu qoray dhowr beyd oo laga soo qaaday gabay dheer oo carabiya oo uu tiriyey sheikh Isxaaq ibnu Axmed, baydadkaasi wuxuu khayr iyo wanaag u rejaynayaa wiilashiisii reer Maydh.

Waxaa buugga lagu bilaabayaa arar uu qaray qoraagu oo ka hadlaysa siddii uu ku helay cilmibaadhis uu qoray nin asalkiisii hore reer Marooko ahaa oo la odhan jiray seyid Maxamed Axmed alqurbaani, ninkani wuxuu ahaa ahlubeydka reer Marooko ,waxay isaga iyo reerkoodu u soo gureen Caddan1912, dabadeed isagaa ayaa cilmi baadhistan ka soo ururiyey kutub ay lahaayeen ahlubeydka reer Yaman.  waxaana lagu xejinayaa hordhac uu qoray nin la yidhaahdo Seyid Cali ibnu Cabdla Ibnu Axmed Al Imam oo yamani ku abtirsada Sheik Isxaaq ah, taas oo lagu soo bandhigayo taariikhda sheikha , lagu gegebaynayo markhaati sugan oo ay ka marag kaceen dadkii magaca lahaa ee saadada ahaa ee reer yamaneed in taariikhdaasi sugan tahay. Isla marka waxa raacaya waraysiyo niman carbeed ka qaadeen Sheik Isxaaq oo maydh jooga.
Magiciisu waa seyid Isqaax  ibnu Axmed bin Maxamed Bin Xuseen. Waa sheikh diineed oo mufti ah, gabyaa carbeed iyo qoraa qoray tiro buuggaag ah.

Awoowgiisa 23aad waa seyid cali binabii daaliib(karamalaahu wajhah), ayaydiisa 23aad waa faadumo rasuul(radiyalaahu canhaa), awoogiisa 22aadna waa seyid xuseen bin cali. Wuxuu dhashay waqti ku beegan 1124 miilaadiga, waa waqtigii calanwalayntii boqortooyaddii cismaaniyiinta. Cismaaniyiinta boqoradoodii waqtigaa waxay badhasaabo ka dhigteen qaar ka tirsan reer bani ummayah, reer baniummayana weligood iskama dayn dilkii iyo basaasiddii iyo cagojuglayntii ayku hayeen reer seyid Cali bin abii daalib, markan waxay bilaabeen in ninkii reer seyid cali ah ee yar muuqdaba in la dilo. Waxaa markan muuqaal wanaagsan yeeshay  Seyid Maxamed bin Xuseen oo seyid isxaaq awowgii ahaa, isl markaa ahaa sheikha magaalada Samraa. Muuqashaddaa uu yeeshay Isxaaq awowgii ayaa keentay inuu noqdo barta shiishka ay ku hayaan boqorradu, waxa intaa dheeraatay iyadoo mar walba si hawl yar loo toogto wixii saado sheegta. Seyid isxaaq oo arintaa gabay ku  sifaynaya ayaa yidhi ”waxaanu noqonay siddii adhigoo kale oo marba
neef layska gowracdo”

Waqti ku beegan 1136 ayaa awoowe seyid Mohamed bin xuseen oo horkacaya sagaashan qof oo tafiirtiisa ah, ka soo dhaqaaqay samraa isagoo  u soo socda Madiina almunawara, si ay u dugsadaan qabriggii awoowyaashii. Dadkaa Waxaa ka mid ahaa seyid Isxaaq iyo aabihii, markii ay mudo 5 ah deganaayeen Madiina ayuu geeriyooday Isxaaq awoogii Seyid Maxmed, dabeed reerihiisii midba jiho ayuu afka saaray, qaar yaman, qaar xijaas, qaar masar, fiinfiridhay ayaa la noqday. Isxaaq aabihii iyo bahdoodii ba Caatika yaman ayay  u guureen halkaa waa lagu soo dhoweeyey. Seyid isxaaq oo marmarka qaarn loogu yeedho sharif Isxaaq wuxuu isagoo dhalinyar degay meesha la yidhaahdo  Sabà, oo ku taala yaman , dhinaca woqooyi. Halkaas ayuu diinta ku fidiyey, lana xididay boqorraddii dhulkaas ,cisi iyo sharaf ayuu in mud ah ku haystay.  Gabadhii uu guursaday waxa ay u dhashay laba wiil oo mid loo bixiyey Dircaan, midna Shariif. Dabadeed waxa dhacday fidno  keentay in seyid Isxaaq dalkaa laga masaafuriyo. Wuxuu u wareegay Al Jaw oo isla Yaman ah,  halkaana mudo ayuu deganaa, wuu ku guursaday waxaa ugu dhashay wiil la yidhaado Mansuur. Dabadeed seyid Isxaaq wuu xajiyay halkaas oo kula kulmay xajkaas ehelkiisii, adeeraddii iyo ilmaadeeradii. Adeerkii ayaa ka dalbaday inuu la joogo mudo Xijaas, oo gabadhiisana uu u guuriyo, sidaa ayaa Isxaaq aqbalay. Xaaskii reer Jawf masayr ayaa madax maray markaas ayay iyada iyo aabeheed soo direen waraaqo aanu Seyid Isxaaq jeclaysan. Mudo kooban ka dib waxa dhimatay xaaskiisii cusbayd iyo gabadh yar oo ay u dhashay  ka dib markii awr buubaal ah oo saaraayeen la buubay oo riday, adeerkii iyo wiilkiisiina xanuun ayay udhinteen. Dabeed Seyid isxaaq wuu murugooday, waa marka uu tiriyey tixda alabariga ee ku soo hooraysa ” Farij calaynaa yaa muhaminu yaa wuduud”

Hijradii Saylac iyo Herer

Isagoo ka duulaya inshaarooyin iyo akhbaar uu helay ayuu goaan ku ku gaadhay inuu u haajiro saylac isla markaa nasabkiisa qariyo, wuu ka kaga dhabeeyeey , wuxu u soo raacay doon, wuxu ka soo degay saylac isagoo markan la baxay sheikh Isxaaq . Waa lagu soo dhoweeyay wuxuuna mufti ka ahaa Saylac kow iyo toban saandood. Dabeed wuxuu u wareegay Herer halkaas oo iydana ka noqday mufti iyo sheik laga aflaxay todob iyo toban sanadood. Dabadeed wuxuu tegay xajka isagoo ay is raaceen dadkii reer Herer sanadkii 1182 miilaadiga. Wuxuu xajkii kula kulmay eheladdiisii oo ay ka mid ahaayeen wiilashiisii oo yaman ka soo xajaiyay, iyo saaddadii ay ilmaadeerka ahaayeen ee reer xijaas, halakaas oo reer Herer ku ogaadeen nasabkiisii. Markii Herer lagu noqday waxaa siyaaday jacaylkii loo hayay,  waxaa  kaloo ka dhinac bilaabmay xinkii iyo xasadkii boqoradda iyo dadka ku xidhan, ilaa fitno weyn oo uu Herer kagabaxay dhacday.

Hijradii uu Sheikhu  ku tegay Maydh

Shirqool aad u culus oo boqrtooyadda iyo naag ku xidhanayd u dhigeen sheikh Isxaaq iyo xertiisa, ayaa keentay in jeelka la dhigo. Iyadoo la rabay in jeelka lagu gubo ayuu ilaaha baryey, ilaa ilahaay faraj u furay oo jeelkii ka jabay, dabdeed way yaaceen ilaa ay tageen meel a yidhaahdo Charcher, halkaa ayay mudo joogeen.  Duco iyo alabari ka dib ayuu manaam loogu sheegay in safarkii sii wato ilaa uu gaadho meel xeeb ah oo markuu nasto uu murjiskiisiisa dhulka ku mudo, halka uu ka goyn kari waayaana ay tahay meesha loo amaray inuu dego. Shan iyo taban caanomaal ayuu soconayey ilaa ay Maydh ka soo gaadheen, murjiskiina dhulka ka goyn kari waayeen. ”Waa taa halkii Ilaahay ii amaray” sidaa waxaa yidhi sheikh Isxaaq oo Maydh soo cago dhigtay.

Maydh waxa markaa deganaa dad madow oo xoolo dhaqato ah dekedana waxaa iman jiray doonyo, waa la soo dhoweeyey sheikha cusub iyo xerta la socotay. Sheikhii Wuxuu dadkii baray diinta ilaa aad loo jeclaaday, Sheikhu wuxu halkaa ku guursaday saddex dumar ah, Mid waxa la odhan jiray Maryan oo aabeheed carab ayuu ahaa hooyadeedna xabashiyad, midna xaliimo ayaa la odhan jiray oo waxay ahayd dadka wadanka deganaa, gabadha kale waxay ahayd adoon saldiintii meesha deganaa ay sheikha kula xididay. Dumarkaasi waxay sheikh u dhaleen sideed wiil.  Sheikha waxa  halkaa ugu tegay dad uu hore u yaqaanay oo carbeed, qof kast a oo u yimaadana wuxuu ka dalbanaayey inuu nasabkiisa qariyo. Waxay nimanka carbeed  qaar ku dhaliilen inuu nasiibkiisii bahdalay, midabkii caruurtiisa bedelay,  dadkiisii carbeed ka tegey,wuxuu ugujawaabay  in aan taasi waxba yeelayn ubadkiisan yaryar, ehelkaykiisii  carbeedna wejiga Ilaahay ka dhexeeyo. Sidaa qoraayada carbeed sheegayaan sheikhu wuu noolaa ilaa 1244miilaadiga iyo waliba tiro dheeraan karta.

Kutubtii uu alifay sh.Isxaaq

Inta la magacaabay wuxuu sheikhu alifay Lix kitaab, Mid ka mid ahi jeelkii Herer ayuu ku lumay, Afar ka mid ahna waxa haya saadada reer Yaman, Mid ka hadhay waa sir cusulus oo ku aasan Maydh oo si gaar ah uga hadlaya duriyayda sheikh Isxaaq ee uu ku dhalay Maydh iyo tafiirtiisa, iyo nasabkiisa, wuxuuna  sheegay in kitaabkaasi qarsoonaan doono boqolaal sandood isaga ka dib.
Habka buuggu qoranyahay

Buugu wuxuu qoranyahay, hab taariikheed, sheekaba sheeko kuu dhiibayso, adigoo mid la wareersan ayay tii kale ku soo gelisaysaa, naxdin, dulmi, socdaal, farxad, rajo, dedaal, cibaado Allah, isdifaac, dood, isdhuldhigid, Cilmifidin iyo saadaalin mustaqbal, waxaas  oo dareen ah ayaa kula dersaya.buuggani  waa cilmi baadhis hore loo sameeyey oo qoraaga kaalintiisu waa turjumaad uu soo turjumay cilmi baadhistaa.

Raadcyada buugani waa raadraacyaddii ninkii cilmi baadhista sameeyey, kutubtii uu akhristay, kutubtaasina sidaan qiyaasayo waa kutub la raadsan karo oo aynu cilmi baadhisyo kalena raadraac uga miciinsan karno, Kutubta mid waliba wuxuu leeyhay magac iyo qoraagii qoray, waase kutub gabowady oo laga heli karo masaajidadii sadada Yamaneed iyo cid ay iyagu siiyeen.

Waa buug hiil u ah taariikhda soomalida

Qoraalka taariikhda somalidu wuxuu in badan ku tiirsanyahay amaba magan u yahay wixii ay qoreen reer yurubkii dalka yimi, niman kuwaa xiganayaa ayaa marna lagu karayn in ummadda somalidu taariikh kale leedahay, oo ay u baahantahay  in iyadu soo saarto taariikhdeeda runta ah. Buugani taasi ayuu gunta ugu dhacayaa oo debedda soo dheegay sheikh ay ku abtirsdaan ugu yaraan 25% dadka somalida oo isaggii hadlaya, oo ka waramaya 600 oo sano isaga ka horeeyey, oo isugii Sheikh ah oo aqoonta loo daba fadhiyo, oo isagii qoraa ah oo soo gudbiyey kutub uu qoray, oo isagii taariikh sameeyay oo ku balanqaaday inay soo gudbayso oo la heliyo. Waxaa kaloo halkaa ku jabaya sheekadii ahayd waa dad hadla oo an wax qorin. Taariikhda buuggani u soo horeeya ayaa jid cusub oo kolsooni iyo xoriyad leh ku hagaajin doona wax ka sheega taariikhda iyo nasabka guud ahaan somalida, gar ahaana reer somaliland iyo duriyaddii reer Sheik Isxaaq meel kastoo ay ku nool yihiin.

Gebogebo

Mahamed cabdi Daauud, wuxuu soo bandhigay buug,  uu ku tafatiray cilmi baadhisyadii carbeed ee lagu sameeyey tariikhdii  awow ay ku abtirsato ummad aad u balaadhani, taariikhdaasi way qarsoonayd dhinaca somalida, marka lag reebo abtirsiimada oo la gaadhsiiyo Sheikha iyo awowgii Hashim,  Dhankase carabta waa taariikh ku qoran buugaagtii ahlubeydka lag qoray, wayna dhamayd, waa taa  taariikdaa ta  Maxamed Daauud inoo iftiimiyey, sidaa darteed waajibku wuxuu in farayaa inaynu raadsano taariikhdaa iyo dadkaa aynu ehelka nahay labadaba, buuggani waa inaynu akhrinaa, guryeheena dhignaa, faca dambena u gubinaa.

Qalinkii, Mohahed Abokor Yuusuf/Sweden

mohmed.abokor@yahoo.co.uk