Guddigii Loo Xil Saaray Baadhista Gabadhii Ciidamada AMISOM Kufsadeen Oo Maanta Gurigeeda Ku Booqday Haweenaydaas + Sawirro”

Saturday, August 17th, 2013 | Posted by Guddigii Loo Xil Saaray Baadhista Gabadhii Ciidamada AMISOM Kufsadeen Oo Maanta Gurigeeda Ku Booqday Haweenaydaas + Sawirro”

Aug 17 2013(Mogadishu)-Ra’iisul Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa magacaabay 15-kii bishan laba guddi oo heer wasiir iyo mid farsamo ah kuwaas oo soo baara eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo lagula kacay gabar Soomaaliyeed.Guddigan oo ay madax u tahay Wasiirka Adeega Bulshada Drs. Maryam Qaasim Axmed ayna xubno ka yihiin Wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa saaka guda galay howshii baarista ee la xariirtay falkan, waxayna booqdeen xarun ay ku sugantahay gabadhan, waxaana si gaar ah xog wareysi ula yeeshay gabadha Drs. Maryam Qaasim oo guddiga horkaceysay.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.