Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Oo Shacbi Weynaha Reer Somaliland Ku Hambalyeeyay Munaasibada Ciidul Fidriga

Gudoomiyuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awgeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan,

 image

Hargeysa (SM) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba iyo dhamaan shucuubta islaamka munaasibadda ciidul fidriga darteed.

 
 

 

Gudoomiyuhu wuxuu sidaasi ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Xasan Dirir waxaanu u dhignaa sidan:-

 

 

?Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan

 

 

 

 

Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba gaar ahaan taageerayaasha Xisbi weynaha WADDANI, iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Fidriga awgeed.

 

Gudoomiyuhu, isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda waxa uu illaahay ka baryayaa in uu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee ramadaan, janooyinkiisa qaaliga ahna inagu maamuuso insha allah.

waxaanu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu nagaado.

Gudoomiyuhu waxa uu dhambaalkiisan ugu duceeyay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awgeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan, waxaanu ilaahay uga beryay inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.

Gudoomiyuhu isaga oo ka faa?iidaysana munaasibada Ciida barakaysan, waxa uu shacbiga ugu baaqay inaynu wada ilaashano qaranimadeena oo ah raasamaalka kaliya ee aynu haysano, una midowno adkaynta nabad-galyadeena iyo wadajirkeena.

CIID MUBAARAK KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR

 

Xafiiska Xisbiga Waddani

Somaliland

 

Â