Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Ee Uganda Oo Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Ee Minnesota, Kana Hadlay Xaaladda Dalku Marayo
dhamaan taageerayaasha iyo hogaanka sare ee xisbiga siyaasiga ah ee WADANI, waxaanu ku hambalyeeyay madaxda sare ee xisbiga xilkan ay sida sharafta leh ugu igmadeen Md Mahad Axmed Kaahin, oo ah masuul u qalma xilkan loo magacaabay, waxaanu Ilaahay uga baryay inuu u fududeyo gudashada xilkan loo igmaday, sidaana waxa uu ku sheegay mar uu goor dhawayd khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay xafiiska wararka Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee magaaladda Kampala.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee WADANI, ee dalka Uganda Md Cabdisamad Mustafe Yaasiin, waxa uu si kooban uga warbixiyay socdaalkii u ku tagay dalka Somaliland, iyo marxaladda uu dalku haatan mariyo, isaga oo ku dhalliilay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo inay ka gaabisay doorkii horumarka dhallinyaradda iyo Fursadihii ay xukuumaddu shaqo ugu abuuri lahayd dhallinyaradda dalka oo xooggii iyo muriqii dadka iyo dalka Somaliland laf dhabarta u ahaa horumarkiisa, waxaanu ugu baaqay xukumadda inay si degdeg ah wax uga qabato mashaqadan ku habsatay dhallinyardda.
Ugu danbayn, waxa uu u mahadnaqay dhamaan masuuliyiintii, madaxdhaqameedyadii, iyo aqoonyahanadii iyo dhamaan waxgaradkii ka hawl galay dhexdhexaadinta iyo nabadayntii Labada beelood ee wallaalaha ah ee dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka GOD HEELI.
Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, ee dalka Uganda Md Cabdisamad Mustafe Yaasiin
Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)