Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Fashilyay Mooshin Xilka Qaadis ahaa Oo Ay Qaar ka Mida Xildhibaanada Golaha Deegaanku Ku Soo Qaadeen Maayerka Iyo Maayer Ku xigeenka Burco

image

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Fashilyay Mooshin Xilka Qaadis ahaa Oo Ay Qaar ka Mida Xildhibaanada Golaha Deegaanku Ku Soo Qaadeen Maayerka Iyo Maayer Ku xigeenka Burco

 

Gudoomiyaha G/Togdheer Axmed Cumar X C/llaahi (Xamarji) Ayaa Ka Dayriyay Kalfadhi Ka Dhan ahaa maayerka iyo Maayer ku Xigeenka Burco. Oo Ay doonayeen Inay Qabsadaan Qaar ka mid Ahaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Doonaayay Inay maayerka iyo ku Xigeenkaba Ay u helaan Dariiqo Ay xilka Kaga xayuubiyaan .

Gudoomiyaha G/Togdheer Oo Bayaan Qoraala Oo uu Arintan Isku Hortaagay Maanta Xafiiskiisa Burco Ka Soo Saaray kalfadhigan aan Caadiga Ahayn Ee Ay Qabsoomidiisa u Soo Gudbiyeen Xildhibaanadani Ku Til Maamay In Aanu Cadayn Isla Markaana Wakhtigan aanu suurta Gal ahayn

Bayaankan Oo uu Ku Saxeexnaa Gudoomiyaha G/Togdheer Oo Lagu Ogaysiinayay Golaha deegaanka Burco Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Nuqul ka Mid Ahi Soo Gaadhay (Geeska Africa) ayaa u Dhignaa Sida tan

Sida uu Dhigaayo xeerka maamulka Golaha deegaanku Iyo Goboladu Qodobkiisa 67 aad Faraqiisa koowaad Xuruuftiisa (A Ilaa G ) Ee Ah Xilka Qaadista Duqa Dagmooyinka Iyo Ku Xigeenkiisa Sida Uu Qeexaayo Kuma Cada qoraalkii Rasmiga Ahaa Ee Aad Iisoo Gudbiseen Todobadiina xildhibaan Hadaba Waxaan Idin farayaa in Aanu Cadayn Kal fadhigii aad ii Soo Jeediseen Suurta galina.

 

Cabdikhaliq Diiriye

Salaanmedia/Burco