Haddii Aad Degan Tahay Magaaladda Oslo, U Codee Baashe Muuse Oo Musharax U Ah Baarlamanka Dalka Norway + Xogta Cod Dhiibashada

Haddii Aad Degan Tahay Magaaladda Oslo, U Codee Baashe Muuse Oo Musharax U Ah Baarlamanka Dalka Norway + Xogta Cod Dhiibashada Oo Video Iyo Sawira.

Oslo(SM) Aug.18, 2013 – Dalka Norway waxa ka dhacaysa horaanta Bisha soo socota doorashada baarlamanka, taas oo lagu soo dooran doono 169 xildhibaan. Waxa kale oo doorashadani suurto gelineysaa in hogaaminta dalka ay xukuumad cusubi la wareegto, xukuumadaas oo hogaankeeda laga soo xuli doono axsaabta xildhibaanada ugu fara bata ku yeesha Baarlamanka cusub.

Musharax Baashe Muuse waxa uu ka mid yahay xubnaha u tartamaya doorashadan baarlamanka, isaga oo ka sharaxan xisbiga shaqaalaha oo hormuud u ahaa dawlad wadaag ah oo Siddeedii Sanadood ee ugu dambeeyey xukumaysay dalka Norway.

Musharax Baashe waxa kale oo uu yahay musharaxa kaliya ee Afrikaanka ah ee xisbigaas uga sharaxan magaalada caasimada ah ee Oslo.

Haddaba, waxa laga codsanayaa dadka degan magaaladda Oslo ee gaadhay da’dii codeyntu in ay codkooda siiyaan musharax Baashe Muuse.

Halkan hoose waxa aad ka heli doontaa xog kuu tilmaamaysa sida ugu fudud ee aad liiska musharixiinta xisbiga shaqaalaha uga dhex heli kartid Magaca iyo Lambarka Baashe Muuse, waxa kale oo aad ka heli doontaa xog kuu iftiimineysa sida ugu haboon ee uu codkaagu waxtar ugu yeelan karo musharaxa.

Fiiro Gaara: Eeg Sawirka Warqada Cod-bixinta Ee Video-ga Ka Hooseysa

 

Sawirka Warqada Cod-bixinta Iyo Habka Ugu Haboon Ee Aad Ugu Codeyn Kartid Musharax Baashe Muuse: