Hadhimo Sharafeed ay Jaaliyada Bristol UK u sameeyeen Safiirka Warega ee Somaliland Ambassador Kaysar C/laahi

Qado Sharaf Kaysar

Bristol/Salaanmedia/ Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimayey ayaa lagu qabtay Hotel ka Maandeeq Trade Center ee Magaalada Bristol.

Munaasibadan oo ahayd Qado sharaf ayaa Jaaliyada Magaalada Bristol UK ay u sameeyen Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Ambassador Kaysar C/laahi Maxamed.

Qado Sharaf Kaysar1

Qado Sharaftan oo ay Soo QabanQaabiyeen Khaliil Aden Abdi Baarud ,Cabdi Xarago iyo Maxamed Bbc.

Ugu Horeyn waxa ka Hadlay Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Kaysar Cabdilahi Maxamed una Mahad celiyey Xubnuhii Soo Qaban Qaabiyey Qado Sharaftan una Sameeyey Sida Balaadhan u soo dhaweyey.

Qado Sharaf Kaysar3

Ambassador Kaysar waxa uu Jaaliyada Somaliland ee Bristol ugu baaqay in ay isku duubnaadan oo ay noqdaan kuwo meel uga soo wada jeeda Qaranimada Somaliland Dalkooda Hooyo ee Somaliland.

Qado Sharaf Kaysar2

Dhinaca kalena waxa uu Jaaliyada u soo jeediyey inay noqdaan kuwo wax badan ka qabsada Wadamadan Qurbaha ee ay degan yihiin isla markaasina ka qayb qaataan horumarka Wadankooda Somaliland..

Cabdi Xarago Bristol UK.