Haweeneey Shuruud Aad U Yaab Badan Ku Xidhay Nin Damcay Inuu Guursado

maqaal

Haweeney u dhalatay dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa la sheegay inay ku xidhay nin damcay inuu guursado sharuud la yaab leh oo aan horey loo arkin islamarkaana aanay sameeyeen qaar badan oo ka mid ah haweenka aduunka ku nool.

 

Haweenaydan oo ahayd macalimad wax ka dhigta iskuul ku yaala dalkaas Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay inay ku xidhay nin damacsanaa inuu guursado arin la yaab leh oo ay rag badan jeclaan lahaayeen laakiinse aysan haweenka badankood ka suuroobin arintaas oo ah hadii uu rabo inuu guursado inuu sidoo kale mar la wada guursado 2 haween oo kale oo saaxiibadeed ahaa arintaas oo ninkaas ku noqotey yaab,

 

Laakiin la tashiyo badan iyo dadaal dheer ka dib ayaa waxaa lagu guuleystay in ninkaas uu aqbalo sharuudaas taas oo keentay inuu mar qudha la wada aqal galo sadaxdaas haween isagoo sadax guri ka kireystay dhismo ku yaala halkaas islamarkaasna sadexdiisa xaas wada dajiyey goobtaas.

 

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta ay ku kacday haweeneydaas reer Sacuudi ay tahay mid aysan sameyn karin qaar badan oo ka mid ah dumarka dunidu ayaa arintaas waxay muujinaysaa jaceylka ay u qabto haweeneydaas reer Sacuudi gabdhahaa saaxiibadeeda ah maadaama ay la xumaatey inay kaligeed aqal gasho xili ay wali saaxiibadeed yihiin kuwo aan la qabin oo aan wax reer ah lahayn.