HAWEENEY SUAAL MAANSO KU WEYDIISAY WASIIR XIRSI IYO JAWAAB AY SUGEYSO

 

Wasiirka Madaxtooyadda oo ka waramaaya wixii ku faliyan inuu gabay tiriyo iyo arimo kale..Daawo Video

London (SM)-Maanso yahanada Naciima Aar ayaa soo bandhigtay maanso ay suaalo ku weydiineyso Xukuumada Kulmiye ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Maansadani waxay la hadlaysaa Mr Xirsi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Waa dadkii Reer Somaliland oo hadlaya, ka doodaya aayahooda, isweydiinayana: Ka ay darajo iyo xilba u oggolyihiin?ee aan lahayn iin sumcadxumo amma mid karti li?ineed?oo Somaliland dib u qotomin kara; oo aan qabiil soo dhaweysan haynin; oo ka dibna dadkii ku soo

celin kara hadhkoodii, kala tagganaanshahoodiina meesha ka saari kara. Waa mid markaa ay dadku ku kalsoonyihiin daacadnimadiisa, rabaanna inuu asagu u hawlgalo wax qabadka Dalka Somaliland iyo Dadkiisaba. Blas? suaa?shu WAXAY tahay akhristow KULMIYE IYO DAWLADDA MADAXWAYNE SIILAANYO SHURUUDAHAN MA BUUXIN KARAAN??

 

Halabuurka dadkiisa

dibindaabyo qarsooniyo

halista wawga digaaye

nimaan maanta dalkiisa

dabka uu ka huraayo

xal u dooni karayn

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Ummadu waa isa soo dishoo

daxalaysatay laabtuye

isu doo dumiddeeda

diciif aanan awoodin

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Inta gaajo darteed

daadsan oo socon waydiyo

dadweynihii ku curyaamay

dagaallo aan xaq ahayn

ninka aysan damqaynin

daryeel say u hellaan

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Dambiile dhiigga dadeed

daadiyoo u qasdoo

dakanooyin xambaasanoo

eedi ay daba joogtana

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Dad intuu hor yimaaddo

nimaan dood wax ku ooliyo

hadal deeqsiin karayn

damman oo jilicsanoo

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Damaaci aan waxba deeqinoo

dhuuntu ay u dalooshoo

dagdag xoolo u yeelo

dubaaqiisu ka buuxona

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Danu hadday ka dhaxayso

dadku waa ka shiraaye

digtatoor keligii

wuxuu doono falaayana

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Dalkeenni waa burburoo

dooc inooma fayoobee

dib inuu u dhiso

nin ka daahan aqoontoo

ka daboolan adduunkana

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Nimaan daacad ahaynoo

la yaqaanno duntiisoo

qalbiguu daxalaysoo

qabiil daaddihinaayana

darajo noo qaban maayee

XIRSIYOOW WAXBA hays DAALIN

Haddaba waxan doonaynaa

dadku nimu u siman yahay

dar Alliyo nin daacada

dulmi-diid caddaalada

dadaal-badane hawl kara

lagu diirsay geesiya

faxal iyo nin deeqsiya

samir iyo dulqaadba leh

damiir lagu xishoodo leh

dareenkii waddaniga leh

diintana quweyn kara

ayaa darajo Somaliland U qaban kara

duco iyo kalsoonina

waan ugu sii daraynaa!!!

KULMIYE MA BUUXIN KARAA SHURUUDAHA KOR KU XUSAN JAWAABTA WAXAAN U DAYNAYAA SHACABKA REER SOMALILAND.