Haweeneyda ku guulaysatay Quruxda Africa sanadii 2010 oo Tooreey lagu dilay xili ay ku sugneyd gurigeeda ku yaalla Magaalada London

 

Murder probe: Miss Africa model Linah Keza was found stabbed to death at an address in Leyton

Haweeneyda ku guulaysatay Quruxda Africa sanadka 2010 ayaa waxa lagusoo waramaya in gurigeeda lagu dilay islamarkana Tooreey lala  dhacay qaybo badan oo jidhkeeda kamid ah.

Linah Keza oo dadeedu tahay 29 ayay Booliska magaalada London waxay sheegeen in gurigeeda ay kasoo saareen meydkeeda xili ay ku dhex jirtay qaybta lagu maydho(Bath) isla markaana ay tooreey lagu dhuftay wadnaha qoorta iyo caloosha.

Booliska London ayaa usoo qabtay ruux looga shakisanyahay inuu ka danbeeyay dilka haweeneyda loo gaystay waxayna sheegeen in ay weli wadaan baadhitaano xoogan oo ay kusoo saari doonaan sababaha ka danbaysa dilka Miss Africa 2010 Linah Keza.

Waxa la sheegayaa in mareegta Facebook losoo mariyey fariino loogu hanjabaayo si loo dilo, waxayna cabsi badan ku abuurtay nafteeda,Waxa ay la nooleyd inan(gabadh) yar oo 11 jir ah oo ay dhashay,waxayna dalka Ingiriiska deganayd mudo 13 sano ah.
It is understood that her daughter was at the address at the time of the attack, according to a family friend

Investigation: Police outside the flats where Linah was allegedly murdered

On guard: A police officer looks out of a window from one of the flats

 

Salaanmedia/London

Â