Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Daawo Sawiro…Kooxda Milend oo Hanatay Koobkii Ramadaanta ee ka dhacay Bariga London

IMG_8778 

IMG_8704

Sidii aynu lawada soconay waxa ciyaaro kubada cagta ahi ka socdeen garoonka Stepney green ee bariga magaalada London , ciyaarahan oo socday intii bisha ramadaan ayaa waxa ku loolamay Laba iyo Toban kooxood oo kamida naadiyada kooxaha soomalilada ee ka jira magalada London.

 IMG_8688

Ciyaarahan ayaa waxa soo agaasimay oo ka hawl galay qabsoo midooda iskana xilsaaray jaaliyada east London Somaliland society, gaar ahaan garabka sportska.

IMG_8840

Ciyaartan kama danbaysta oo ay ku hirdamayeen labada kooxood ee milend iyo stepney ayaa waxa ay ku soo gabagabooyday 2 iyo 1, halkaasina waxa guushii kala hoyday kooxda Milend iyadu hanatay koobkii ramadaanta .

IMG_8684

 

Garoonka stepney green ayaa mid aad ay usoo camireen dadweynaha dagan degmada Towerhamlets, oo iyagu dhiiri galinayay dhalinyarada ciyaartooyga ah ee isugu soo hadhay ciyaarta kama danbaysta ee koobka ramadaanta.

IMG_8850 IMG_8719 IMG_8837

 IMG_8761

Guud ahaan dadweynaha east London ayaa siweyn usoo dhaweeyay ciyaaraha ka socda Stepney green iyaga qaar koodna ay soo jeedinayeen in aanay ciyaaruhu ku koobnaan ramaadanta oo kaliya balse le helo xilyo kale oo sanad kii laba ama sadex jeer wareeg noociisa oo kale ah.

 IMG_8850

Dhanka kalena community-ga ugu balaadhan Towerhamlet ayaa Afur iyo casho ku qaabilay labadii kooxood eek u tartamay ciyaarta kama danbaysta ah, ee koobka ramadaanta.

IMG_8697

 

Si kastaba ha ahaatee intii ay ciyaaruhu soc deen ayaanay wax caqabada la kulmin iyaga oo si habsami ah ay duwaanayeen dadweynaha sida wayn ula socday ciyaaraha koobka ramdaanta.

 

IMG_8818IMG_8804IMG_8773

IMG_8825 IMG_8688 IMG_8678 IMG_8682

 

Daawo Sawiro Dheeraada (More Pictures)

 




Leave a Reply