Kulan casho sharafa oo Suldaanka Guud ee Dir Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil lagu soo dhaweeyey kana dhacay Galbeedka London.

Kulan ay isugu yimadeen qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee degan London kulankaas oo  jaaliyada Dalbeedka London ay kusoo dhaweyeen Suldaanka Guud ee beelaha Dir  Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil,Kulanka waxa kasoo qayb galay odayaal iyo dhalinyaro degan xaafadda Southall iyo agagaarkeeda.

Kulankan oo isugu jiray is waraysi iyo soo dhaweyn Suldaanka Cusub waxa ay ugu horeyn dadkii soo abaabulay afurka caawa ay kula dar-darmeenku Hambalyeeyeen xilka loo igmaday, waxa kale oo ay ku booriyeen in uu ka shaqeeyo had iyo jeer wanaaga oo xilkaa culus aad si wanaagsan uga soo baxdo. Kulanka afurka ahaa waxa ka hadlay dhalinyaro iyo odayaal kasoo qayb galay waxayna Ilaahay uga baryeen in xilkaa culus ee loo doortay in Illahay u fududeeyo.Waxa ay dhalinayradu qireen in u uyahay Suldaan dhalinyaro ah kana soo bixi kara wixii ka hor yimaada.

Suldaanka oo isna dhiniciisa ka hadlay ayaa ugu horeyn mahadnaq usoo jeediyey dhalinyaradan afurka caawa noo sameysay iyo dadkii kasoo qayb galayba,waxa uu Suldaanka  hadalo wax ku oola oo isugu jirey waano iyo wacyi galin kasoo jeediyey kulanka, waxa kale oo uu sheegay in wixii karaankiisa ah uu qaban doono Insha Allah,idinkana aan idinka filaayo inaad ila shaqeysaan.

Suldaanka Guud ee Dir Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil waxa dhawaan lagu caleemo saaray kulan ka dhacay Badhtamaha London laguna caleeo saaray SuldaankaWaxa uu kulamo gooni-gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda iyo odayaasha degan dalka Ingiriiska,dhinaca kale waxa  uu hambalyoyin ka helay dad fara badan oo meelo kala du-duwan jooga.

IMG_8526 IMG_8536 IMG_8508 IMG_8512 IMG_8513 IMG_8514 IMG_8515 IMG_8518 IMG_8526 IMG_8528 IMG_8533 IMG_8536 IMG_8539 IMG_8540 IMG_8536 IMG_8541 IMG_8542 IMG_8543 IMG_8546 IMG_8548