Kulankii xalay ay u ballansanayeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno ka tirsan Golaha Wada-tashigu oo Dhinaca Madaxtooyada Dib uga Dhacay.

gwti

Hargeysa:1-augost-2012 (SM)Kulankii ay soo qaban qaabiyeen Kooxda Salaadiinta Is-xilqaantay ahi ee Habeenkii xalay qorshaynaa in la isugu keeno Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno ka tirsan Golaha Wada-tashigu ayaa dib u dhacay.

Ilaa iyo Haatan lama caddayn Ujeedada Rasmiga ah ee Keentay in kulankani uu Baaqdo, balse waxa ay wararku sheegayaan in Dib u-dhacu ka yimi dhinaca Madaxtooyada oo Ballantii aan ka soo bixin.

Kulankan oo u jeedadiisu ahayd in laga dhex abuuro jawi isu-soo dhawaanshiiyo ah madaxweynaha Iyo Golahan oo in muddo ahba fiintu dhex miranaysay, islamarkaana ay salaadiintu si aad ah iskaga xilsaareen isu keenida labada dhinac, ayaa u muuqda mid ay hantaaqo ku timid.

 

Sidoo kale kulan waxa si aad ah u dhawrayey oo u dhegtaagayey dhamaanba shacbiga reer Somaliland oo Eedaha labada dhinaca hawada isku marinayaan aad ugu dhergo barjoobay.

Ilaa iyo Haatan lama oga goorta rasmiga ah ee Madaxtooyadu u qoondaysay inay kulankan u diyaar tahay, waxase jira inay Goluhu dhinacooda hore u caddeeyeen inay diyaar u  yihiin inay madaxweynaha la kulmaan, madaxaweynuhuna middaas waa uu aqbalay, hase yeeshee xilligii loo qabtay ayuu hakad ku yimi.

Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay dhallinyaro iyo Haween Tuulada Abdaal kaga dhawaaqay taageero ay u hayaan Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, arrintaana waxa si kulul u cambaareeyey Golaha oo  sheegay inay Ka mid tahay Cabudhintii iyo waxyaabihii ay xukuumadda ku dhaliilayeen oo maanta hortooda yimi, waxana ay ku hanjabeen in Haddii la sii dayn waayo Dadkaa ay dib u eegi doonaan Wadahadalladii  ay Xukuumadda kula jireen.

Wali waxa dhinaca xukuumadda laga sugayaa inay xilli gaar ah u cayinto kulanka ay la yeelan doonto Golaha oo loo arko inay ka cago jiidayo  fadhi ay la yeelato.

Salaanmedia/Hargaysa