
“Caliyow Saaxiib waa inaad samaysataan qorshe, waxaanan ku mataali lahaa oo ay la mid yihiin UCID dadka Xabaalaha sii qota ee Xafaariinta ah ee yidhaahda cidbaa maanta soo dhiman doonta…”
“Waan arkay in Cali-Guray lahaa Kulmiye Fulkaane culus-baa ka qarxi doona, annaguna waxaannu diyaarin doonnaa Sariirihii aannu dhaawacooda dhigi lahayn, Eryadaa runtii aad baan ula yaabay…”
“Cabdicasiis waa Wasiirka Maaliyadda, waana Masuul ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi waa Guddoomiyaha Xisbiga. Markaa…” Waraysi Gaar Ah: Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE Xidlhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeey
Hargeysa(SM):- Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga KULMIYE, Xisbiga UCID ku tilmaamay mid aan qorshe siyaasadeed cad lahayn, Xisbigaas oo uu ku sifeeyey inuu la mid yahay Xafaariinta Xabaalaha sii diyaarsada si ay uga iibiyaan Cidda Cidi ka dhimato, isaga oo daba socday hadal ka soo yeedhey Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo dhawaan sheegay in KULMIYE Foolkaane ka dhex-qarxi doono, Sariirihii dadka wax ku noqda la dhigi lahaana ay diyaariyeen UCID ahaan.
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE Xildhibaan Waabeeye oo waraysi siiyey Wariye Siciid Cabdi Xuseen oo ka mid ah Bahda Somalilandtoday Media Group ayaa isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay Mooshin la sheegay inay Xildhibaannada Xisbiga KULMIYE ka soo jeeda ee Golaha Wakiillada ka tirsani ku soo oogayaan Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) iyo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo labadooduba shaaciyey inay u taagan yihiin jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo uu baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee dirirtu toddobaadkii hore ku dhex-martay Deegaanka God-heeli oo ka tirsan Degmada Gar-adag ee gobolka Saraar. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu u dhacay sidan:-
S: Xildhibaan, Waxaad nooga warrantaa loolanka iyo tartanka Cabdicasiis Samaale iyo Muuse Biixi ee Musharraxnimada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, halkee ayuu marayaa, adiguse maxaad kala socotaa?
J: Dadkeennu wax badan bay ka hadlaan, laakiin marka laga hadlayo Xisbi, Cabdicasiis waa Wasiirka Maaliyadda, waana Masuul ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi waa Guddoomiyaha Xisbiga. Markaa, Xisbi laga hadlayo, dhaqankiisa iyo habka loo dhaqmayaa waa dimuqraaddiyad, labadaa Nin ee hoggaamiyayaasha ah ee KULMIYE in la buunbuuninayo ayaad mooddaa, waayo? Wax loollan ah oo xoog ah oo ka dhex muuqdaa ma jiro, taasina waxaad mooddaa inay saxaafadda aad ugu badan tahay, waana siyaasad, oo dabciga siyaasaddaa noocaas ah. Xisbigu wuxuu ka shaqeeyaana waa siyaasad, marka la arko ololaha Xisbiga ka socda, macnaheedu waa Xisbi shaqeynaya oo hawlihii Qaran iyo hawlihii kale ee Xisbinnimo wada.
Laakiin, sida curfiga leh ee la isugu buunbuuninayo maaha, waa laba Nin oo saaxiib ah (Samaale iyo Muuse), xuquuqda qof kasta oo Muwaaddin ahi leeyahayna way leeyihiin haddii ay isa soo sharraxayaan iyo haddii ay loollan siyaasadeed galayaanba waa wax iyaga ku xidhan. Markaa, anigu ma arko wax curfi ah oo dhex yaalla labadaa Siyaasi, anigu ma arko, inay tartamaanna waa wax iman kara.
S: Sidee ayay adiga kuula muuqataa in Cabdicasiis Samaale uu tartan la galo Muuse Biixi oo muddo dheer ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii Madaxwayne Siilaanyo, lana soo halgamay, inkastoo Samaale-ba muddo dheer Xisbiga ka mid ahaa?
J: Qof ayay ku xidhan tahay go’aanka Siyaasiga ah ee uu gaadhayo, marka uu u badheedhayo meesha uu doonayo inuu gaadho, waxay illa tahay isaga ayay ku kooban tahay, waayo? Isaga ayaa ka fikiray oo isku diyaariyey inuu hawlgalo, Samaale waa nin KULMIYE ah, Muuse-na waa nin KULMIYE ah, si caadi ah ayuu KULMIYE tartan ugu dhex-mari karaa. Markaa, waxay ila tahay wax iska caadi ah run ahaantii, qofka go’aan ku gaadhaya inuu halkaa isku sharraxana aniga iima taallo ee waa mid ka soo go’day shakhsiga, ama Cabdicasiis ha ahaado ama Muuse ha ahaadee, iyaga ayaa go’aansaday inay tartamaan.
Muuse wuu sii ahaa awalba (musharrax), Ninkanna (Samaale) sida Saxaafaddu qortay wuu caddeeyay inuu musharrax yahay, waana wax isaga ka soo go’day oo uu xaq u leeyahay, wayga uu u galayo iyo sida uu u raacayo waa wax isaga u yaalla. Markaa, sida uu ula tartamayaa waa sida uu isagu go’aansaday oo uu hawsheeda galayo ayay ila tahay.
S: Xildhibaan, waxa soo baxayey warar sheegayey in Xildhibaannadiinna KULMIYE aad waddaan Mooshin ka dhan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, arrinkaas maxaa ka jira?
J: Markaan kuu caddeeyo ma jiro mooshin, haddii aannu nahay Xildhibaannada mooshin laga wado Golaha Wakiillada oo Shir-guddoonka lagu ridayo ma ogin, mana jiro xilligan wax nagu kellifaya inaannu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku keenno wax xilka lagaga qaadayo ama mooshin ka dhan ah, labadaa midna immika maan arag, cid waddana maan maqal, mana jirto.
S: Xildhibaan, Shirkii KULMIYE dhowr jeer ayuu dib u dhacay, markii ugu dambaysay waxaad u muddeyseen dabayaaqada sannadkan, hawlahaasi halkay idiin marayaan?
J: Hawlahaasi illaa hadda sidii loogu talo-galay ayay u socdaan, Xisbiguna waa u diyaar oo wuu waajihi karaa, waxaannu ballannay 25-ka bisha December ee sannadkan, Xisbiga Kulmiye-na waa Xisbi dhowr iyo toban sano maraya, immikana Xisbul-xaakim ah. Waa Xisbi adkaysi iyo awood u leh ama shir qabasho ha ahaato ama loollan ha ahaatee waa Xisbi awood u leh inuu hawlaha noocaas ah debbaro, illaa haddana ma jiraan duruufo odhanaya malaha xilligaa kuma habboona oo ma qabsoomi karo oo aannu isaga nimid Xisbi ahaan, Calaa-kulli-xaal waxaannu rejaynaynaa inuu December noo qabsoomo Shirka Xisbigu.
S: Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee UCID, wuxuu dhawaan sheegay in Xisbiga Kulmiye burbur ku dhow yahay, arrintaasi sideed u aragtaan?
J: Waan arkay in Cali Guray lahaa Kulmiye Fulkaane culus-baa ka qarxi doona, annaguna waxaannu diyaarin doonnaa Sariirihii aannu dhaawacooda dhigi lahayn, eryadaa uu Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee UCID isticmaalay waxay ahaayeen erayo aan runtii aad ula yaabay. Laakiin, waxaan odhan lahaa Cali-Guray iyo Xisbigiisa waa inay diyaarsadaan qorshe ay dadka ku jiidanayaan oo ay ku hananayaan inay hoggaamiyaan oo ay madax u noqdaan, barnaamij siyaasadeedna uma noqonayso in la yidhaahdo Xisbiga Kulmiye ayaa dumaya, Xisbinnimadu waa inaad diyaarsato qorshe hoggaamineed. Laakiin, haddii arrintaadu noqoto waxa is dilaya Xisbiga KULMIYE, taasi waxay noqonaysaa inaanad lahayn qorshe hoggaamineed oo cad oo aad dalka ku hagto, taasina waxay ku tusaysaa inaan Xisbiga UCID diyaar u ahayn inay talada dalka isu soo taagaan. Tusaale ahaan, Xisbiga Kulmiye wuxuu samaystay barnaamij siyaasadeed oo uu buug ka dhigay, kaasoo ah ka dadku ugu codeeyeen, laakiin haddii aad tidhaahdo waxa is dilli doona Xisbiga Kulmiye, oo waxaan sugayaa dadka ka soo cadhooda, waxaad noqonaysaa inaad tahay Xisbi bilaa ajande ah oo aan lahayn qorshe siyaasadeed oo fog iyo mid dhow toona.
Markaa, waxaan odhan lahaa Caliyow (Cali-Guray) saaxiib waa inaad samaysataan qorshe, waxaanan ku mataali lahaa oo ay la mid yihiin UCID dadka Xabaalaha sii qota ee Xafaariinta ah ee yidhaahda cidbaa maanta soo dhiman doonta, kuwaa Xabaalaha sii qota ayaaba dhaama, waayo bani-aadamku wuu dhintaa, oo bani-aadamku dhimashada xal uma hayo. Laakiin, khilaafku xal ayuu u helaa, markaa haddiiba khilaaf siyaasadeed yimaaddo, awood lagu xallin karo ayaannu leenahay. Laakiin, maaha in qof qorshaha ku darsado oo uu Xisbi dhami yidhaahdo ciddaasi ayaa isa soolayn doonta. Markaa, waxaan leeyahay Caliyow dadka ha xasuusin meel dhaawac iyo dhimasho ka jirto oo dad ku dhiig-baxayo, waxaas dadka waxgaradka iyo dhalinyarada reer Somaliland lama xasuusiyo, annagu haddii aannu nahay Xisbiga Kulmiye waxaannu dhalinyarada iyo dadka ugu sheekaynaa waxyaabo iftiiminaya horumar, sida waddooyin baannu dhisi doonnaa iyo dhaqaalaha ayaannu kordhin doonnaa, taasina waa waxa dadku ay had iyo jeer jecel yihiin. Laakiin, dadku ma jecla waxbaa is dili doona, waxaan leeyahay Cali-Gurey waxaa haka waantoobo oo ayaanu isticmaalin erayada noocaas oo kale ah.
S: Xildhibaan, waxa dhawaan dalka ka baxday hay’addii MSF oo gacanta ku haysay Cisbitaalka Burco, maaddaama oo aad ka mid tahay Masuuliyiinta Gobolkaa ka soo jeeda, arrintaa maxaa idiinka meel yaal?
J: Waan ka xumahay Hay’adda MSF oo gacanta ku haysay Cisbitaalka Burco, si bilaa ogeysiis ahna u baxday, kana dhigtay Cisbitaal shaqeynaya, waxaana fiican in marka Hay’adaha caalamiga ahi dalka ka baxayaan inay ogeysiis sameeyaan iyo qorshe si looga diyaar-garoobo, waxaanan Xukuumadda ugu baaqayaa inay daboosho hawshii ay debbari jirtay Hay’addii MSF, inkasta oo Xukuumaddu ka jawaabtay oo ay u dirtay saddex Wasiir, si arrintaasi qorshe loogu soo sameeyo.
Waxa kale oo aan baaq halkan uga dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay (Gawsaweyne), waxaan leeyahay colaad Wiilbaa ku dhintee, Wiil kuma dhasho, dad walaalo ah oo xidid, xigaal, seedi iyo abti ah ayaad tihiin, waxaanu leenahay arinkaa dejiya oo caqligu ha shaqeeyo, sidii wanaagsanayd ee dhaqanka inoo ahaan jirtayna arinka ku soo debaala, arrimahaas oo kalena yaanay dib u dhicin, waxaanan Tacsi u dirayaa dadkaa halkaasi ku geeriyooday. Waxa kale oo aan Tacsi u dirayaa Suldaan Barre Warsame Shirre, oo isaguna ku geeriyooday isagoo arintaa ku sii socda, daadna ku qaaday degmada Dacar-budhuq, markhaatina uga nahay inuu arrin wanaagsan ku socday.
Salaanmedia/Hargaysa.
Xigasho Slandtoday