LABADA XISBI EE WADDANI IYO UCID LAANTOODA UK OO KULAN KU YEESHAY LONDON

 

IMG_8568

Waxaa xalayto oo bishu ahayd 2nd August 2013,  kulan ku yeeshay Galbeedka Magaalada London labada Xisbi Qaran ee Waddani iyo Ucid. kulankan oo ay abuubulkiisa iska kaashadeen Xoghayayaasha labada xisbi ee Ucid iyo Waddani Mudane A/lahi O Husein iyo Mudane Mustafe A/lahi Ali, ayaa dabasocday heshiiskii labada Xisbi ku gaadheen Magaalada Hargeysa 24th March 2013, uuna ka soo baxay heshiiskii Tobanka qodob ka koobnaa, ayay laamaha labada Xisbi ee UK aad u soo dhoweeyeen una muujiyeen taageeradooda.

Salaan media_007

IMG_8562

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen xubno badan oo ka kala socday labadan xisbi ayaa waxaa ka mid ahaa Xubnihii ka hadlay Labada Gudoomiye ee Xisbiyiyada Waddani iyo Ucid Mudane Ahmed Ali Nahi iyi Mudane Mohamed Jama Koodbuur, Labada Gudoomiye waxay ka dhawaajiyeen muhiimada uu heshiiskani u leeyahay guud ahaan siyaasada Waddanka iyo gaar ahaanba tan labada xisbi, waxayna isku raaceen in loo baahan yahay in Mucaaradnimada la mideeyo si xukuumada loogu ilaaliyo inaysan baalmarin shuruucda Waddanka u degan.

IMG_8561

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubno badan oo kale kulankan ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyey heshiiska labada xisbi iyagoo dhamaantood isku raacay in arintani bilow u noqonayso mucaaradnimo wax-dhista, waxaana dhamaan xubnahan ka muuqanaysay ku faraxsanaanta heshiiskan taariikhiga ah. Xubnihii goobtan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiye-kuxigeenada labada Xisbi,  Xoghayayaasha labada Xisbi,  Gudoomiyaha Yurub ee xisbiga Waddani Mudane Osman Aw-Adan, Xubin Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer Qaran Mudane Mubarak Hilac, Xoghayaha Garabka Haweenka Yurub ee Xisbiga Ucid Marwo Saynab X Gaydh, Marwo Kaltuun O Ali Gudoomiyaha Arimaha Qoyska ee Xisbiga Ucid,  iyo Xubno badan oo kale.

IMG_8628

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Labada Afhayeen ee Xisbiyada Ucid iyo Waddani,  Mudane  A/ladif O Ali iyo Qasim A Saleebaan iyagoo ku nuux-nuuxsaday in intii labada xisbiyi iyagu isku maqnaayeen ay u suurtoowday in kulmiye iyo xukuumadiisu ay waayeen cid la xisaabtanta, balse hada wixii ka dambeeya lagula xisaabtami doono ficiladooda.

IMG_8613

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulankan ayay labada xisbi isla qaateen:
1) In la magacaabo Gudi xoojin iyo dabagal ku samaysa heshiiskan Tobanka qodob ka koobnaa.
2) In labada xisbi laamahooda UK ay isku raaceen heshiiskii lagu gaaray magaalada Hargeysa.

IMG_8631

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawal-wadeeno iyo Xubno badan oo labada xisbi ka kala tirsan ayaa goobjoogayaal ahaa oonan dhamaantood halkan lagu wada xusi karin. waxaana shirkan Duco iyo Waano ku soo gunaanaday Caaqil Siciid cawl oo ka mid ah Caaqiliinta S/land.

 FADLAN LA SOCO VIDEO IYO SAWIRO DHEERAADA DHAWAAN INSHA ALLAH.

Afhayeenada Xisbiyada Waddani iyo Ucid ee UK
Mudane Qasim Aadan iyo Mudane A/ladif Omar
London
UK

 

IMG_8605IMG_8656IMG_8636IMG_8631IMG_8628IMG_8613IMG_8594IMG_8569IMG_8581IMG_8568IMG_8605IMG_8567IMG_8561IMG_8562IMG_8661