“Ma Jiro wasiir Ka Tirsan Dawlada Somalia Oo Ka Soo Degey Madaarada Somaliland” War-saxaafadeed

Hargeysa (SM)  axaafada Somalilanad waxa u hadhay in ay berina yidhaahdaan Xasan Sheekh Maxamuud baa Madaarka Berbera Ka soo degay oo Hargeysa Loo soo qaaday

                         caarshe

Waxa mareegaha Somaliland ee wararka  lagu baahiyey warar been abuur ah oo lagu sheegayo in wasiirka arrimaha gudaha  dawlada Somalia c/kariim Xuseen Guuleed, uu ka soo degey madaarka caalamiga ah ee Berbera, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Waxaana odhan karaa waa warar lagu majara habaabinayo bulshada waxna loogu dhimayo jiritaanka qaranka, sidoo kalena waa arrin ceeb loogu raadinayo xukuumadda markii wax lagu eedeeyo la waayey.

Aniga ka mid ah saraashiisha Wasaarada Duulista waxaan cadaynayaa in warkaasi yahay been madaarada oo aanu xukuno annaguna kama soo deign wasiirka ka tirswan dawlada Somalia, waana arrin laga xishoodo in wax allaale wixii la doono laga faafiyo qaranka, waxayna muuqato in aan waxba la xushmaynayn ee wixii la doono la qorayo.

Waxaan kula talinayaa warbaahinta in ay waan-toobaan beenta qaawan ee intaa le’eg, ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada, war baahin badan ayaa arrintaa wax naga weydiiyey markii aanu u sheegnay in ay beentahay ma ay qorin, balse kuwo aan waxba na weydiin ayaa faafiyey wararkan been abuurka ah.

C/laahi Axmed Caarshe

Chief of Protocol-ka Wasaarada Duulista