Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Maamul Goboleedka Somaliyeed Ee Puntland Oo Xusay 15 Guuradii kasoo wareegtay

Maamul Goboleedka Somaliyeed Ee Puntland Oo Xusay 15 Guuradii Ka Soo Wareegtay Markii La Aasasay Maamulkaas+sawiro

Garoowe(SM) Aug.02, 2013-Munaasabad ballaadhan oo lagu xusayey sanad guuradii 15-aad ee kasoo wareegtey – August 1, 1998- markii la asaasay maamul goboleedka somaliyeed ee Puntland ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu sareysa maamulka Puntland, xubnaha labada gole ee baarlamaanka iyo wasiirrada, madaxda dhaqanka iyo qayba ka mid ah bulshada deegaankaas.

Qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada ayaa goobta ka jeediyey khudbado ay kaga hadlayeen waxqabadkii wasaaradahooda, sidoo kale waxaa iyaguna goobta ka hadlay qaar kamid ah isimmada caanka ah ee Puntland.

Madaxweyne Faroole oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa isna jeediyey khudbad dheer oo uu waxyaabo badan kusoo qaaday. Arimaha uu madaxweynuhu carrabka ku dhiftay waxaa kamid ahaa waxqabadkii xukuumaddiisa iyo halka uu ku danbeeyey geedi socodkii dimuqraadiyadda ee Puntland oo noqday mid fashilamay kaas.

Faroole ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay aad uga shaqeysay arimo badan oo ay ugu muhuumsan yihiin amniga iyo waxbarashada.

Salaanmedia/Mogdisho












Leave a Reply