Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo ka warbixiyay weeraro ay ka fashiliyeen Al Shabaab

Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo ka warbixiyay weeraro ay ka fashiliyeen Al Shabaab
15-150x150

Marka (SM)—Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose C/qaadir Nuur Siidii oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysteen fashilinta weeraro qorsheysan oo Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay doonayeen inay ka fuliyaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.

C/qaadir Nuur Siidii Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose isagoo ku sugan Gobolka ayaa sheegay in Ciidamada Dowadda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku guuleysteen ka hortaga weeraro Unugyo ka tirsan Al Shabaab ay fulin lahaayeen Gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka waxaa sheegay in Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ka hortageen Weeraro Al Shabaab ay isku dayeen inay ka fuliyaan 3 jeer Degaanka Janaale ee Duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose isagoo tilmaamay in waabarigii saakay Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM ay ku guuleysteen burburinta kooxo ka tirsan Al Shabaab oo weeraro isxiga ku soo qaaday Degaanka kuwaasi uu tilmaamay in laga Dilay ku dhawaad 10-Dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose C/qaadir Nuur Siidii waxaa uu sidoo kale Shabelle u sheegay in xalay iyo Saakay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika sidoo kale ay iska caabiyeen weeraro Al Shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose iyo sidoo kale Degaanka Shalaanbood ee Gobolka oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaas oo weeraro isxigay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen.

Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay Qaraxyo lala bartlmaameedsanayo Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degaano iyo Degmooyin Gobolka Sh/Hoose.

Salaanmedia/Mogdisho