Maamulka G/Togdheer Oo Ku Fashilmay Xalinta Khilaaf Ka Dhex Aloosnaa Sherkeda Sahaminta Shiidaalka Iyo Dadka Xoola Dhaqatada Ah Ee Deegnada Deg/Waraabeeye Iyo Shir Saddex Geesooda Oo Ay Wada Yeesheen Beelaha H/Yoonis,Ciise Muuse Iyo C/lle Arab Ee Deegaanka Deg/Warabeye

xamarji

Wafti Balaadhan Oo Uu Hor Kacaayo Gudoomiyaha Xarunta Maamulka Gobolka TogdheerAxmed Cumar X C/Llaahi (Xamarji) Ayaa Gaadhay Tuulada Sanyare Ee Deg/Waraabeeye Waftidan Uu Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xamarji Hogaaminaayo Oo Ay Ka Mid Yihiin Gudoomiye Ku/Xigeenka Xarunta Maamulka Deg/Burco Mux umed Xassan (Xoday) Iyo Lix Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deganka Deg/Burco Oo Uu Wahelyo Taliyaha Qaybta Police ka Xarunta Gobolka Togdheer Axmed Xassan C/Raxmaan (Ilka case) Ayaa Saaka (Shalayto Subax) Ku Waa Bariistay Tuulada Sanyare Oo Hoos Timaada Degmada Waraabeeye Isla Markaasina Kala Kulmay Mudaharaad Iyo Rabshado Ay Kala Hor Yimaadeen Dadka Xoola Dhaqatada Ah Ee Deegaankaasi Waraabeeye Sida Ay Ilo Wareedyo Goob Joogayaal Ahi Khadka Telefoonka Nogu Soo waramayaan Ayaa Sheegaya In Ay Dadka xoola Dhaqatadi Ahi Kala Hor Yimaadeen Mid Ka Daran Mudaharaadkii Iyo Rabshadii Shalayto (Doraad) Ay Kala Hor Yimaadeen Ciidankii RRU da Ee Uu Badhasaabkan Burco Aamrka Ku Soo Siiyay Inay Ka War ka kenaan Oo U Soo Hanjabaan Una Soo Caga Jugleeyaan Dadka Xoola Dhaqatada Ah Ee Ku Sugan Tuulada Sanyare Ee Is Hortaagay Hawsha Sherkada Sahaminta Shiidaalku Ay Ka Wado Deegaankaasi Deg/Waraabeeye

..Isla Markaana Dadka Xoola Dhaqatada Ah Ee Tuulada Sanyare. Cadhadii Shalayto (Doraad)Ee Falkii Ay Ciidanka RRU du Kula Kaceen…Ay Kula Dhaceen Gudoomiyaha Xarunta Maamulka G/Togdheer Xamarji Iyo Waftidiisii Uu Hogaaminayay Rabshado Balaadhan Isla Markaana Ay Dhinac Uga Baxeen Tuulada Sanyare Ee Degaanka Degmada Waraabeeye Intaasi ka Dib Markii Ay Qadar Dhawr Saacada Ah Ku Sugnaayeen Badhasaabka Iyo Waftigaasi Geed In Badan Galbeedka Ka Xiga Tuulada Sanyare Ee Degmada waraabeeye Kana Caageen Inay Badhtamaha Tuuladaasi Kala Hadlaan Odayaasha Ay Doonayeen Ee Ka Midka Ah Xoola Dhaqatada Degan Tuulada Sanyare Ee Deg/Waraabeeye Ka Dib Markii Uu Si Toosa Oo Badheedh Ah Gudoomiyaha Xarunta Maamulka G/Togdheer Xamarji Iyo Waftida Uu Hor Kacayaaba Ay Soo Dhaafeen Kagana Yimaadeen Burco Iyagoo ka Kaaftoomay Cuqaashii Iyo Odayaashii Iyo Wax Garadkii Iyo Waliba Aqoon Yahankii Hawshani Gacanta Ugu Jirtay Oo Ay Hore Isu Af Garan Waayeen Gudoomiyaha Xarunta Maamulka G/Togdheer Xamarji

Intaasi Ka Dib Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Iyo Waftidiisii Uu Hor Kacaayay Ayaa Lagu Soo Waramayaa Inay Markii Danbe Oday Dhaqameedkii Tulada Sanyare Ee Degmada Waraabeeye Isu Qaybiyeen 15 Xubnood Oo Ay Ugu Tageen Geedkii Ay Fadhiyeen Badhasaabka Iyo Waftidiisu Isla Markaana Kulan Kooban Ay Kuwada Yeesheen 15 ka Xubnood Ee Oday Dhaqameedka AhIyo Wafitada Uu Badhasaabku Hor kacayay. Waxaana Halkaasi Ka Soo If Baxay Is Afgaran Waa Ka Daran Kii Hore U Dhex Maray Badhasaabka Iyo Cuqaasha Iyo Odayaasha Deegaanka waraabeeye Ee Burco Ku Sugnaa Halka Ay Oday Dhaqameedkan 15 ka xUbnood Ahi Ay U Soo Jeediyeen Una Soo Iftiimiyeen In Ay Yihiin Marka Hore Dad Masaakiina Oo Xoolo Dhaqato Ah Kuna Nool Xoolahaa Dhirtaa Ilaahay Na Siiyay Ku Nool Bay Yidhaahden Oo Aanaan haba Yaraate Ogolayn In Wax Geed Shegtaba Laga Go.yn Karin Deegaankayaagaasi …Ugu Danbayn Waxay Si Wada Jira Oday Dhaqameedkaasi Usoo Jeediyeen In Ay Deegaankani Masuul Ka Yihiin Cuqaasha Iyo Odayaasha Iyo Aqoon Yahanka Burco Ku Sugan Ee Maalin Afraad Ay Is Af Garan Waayeen Masuuliyiinta Maamulka G/Togdheer Anakuna Ayay Yidhaahdeen Aanu Nahay Dad Isku Mawqifa Oo Isku Duuban Oo Aan Cidina Nakal Xadi Karayn Ee Raali Aynu Kala Ahaano Dantuna waxay Ku Jirtaabay Yidhaahdeen Inaad la Xaajootaan Cuqaashaa Iyo Odayaashaasi Aad Saluugsan Tihiin Kuwaasaana Ayaa Ka Masuula Deegaankan ..Ayay Kusoo Gabagabeeyeen ……

Intaasi Ka Dib Waxaa Dib Ugu Soo Laabtay Caasimada Maagalada Burco Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X C/llaahi (Xamarji) Iyo Wafidii Uu Hogaaminayay Oo Waji Gabax Kala Soo Kulmay Tuulada Sanyare ee deegaanka Degmada Waraabeeye Kuna Soo fashilmay Xalinta Iyo Khilaafaadka Beryahanba ka Dhex Aloosnaa Sherkeda Sahaminta Iyo Baadhista Shiidaalka G/Togdheer Ka Wada Iyo Dadka Xoola Dhaqatada Ah Ee Deegaanka Waraabeeye……..

Hadaba Si Kastaba Ha Ahaatee Waxay Shacabka Reer Burco Isla Dhex Qaadayaan In Aanay Rajo Iyo Waanwaani ka Soo Muuqan Ee Ay Ciidanka RRU da Oo Ku Sugan Tuulada Naqdhibiijo Iyo Ciidamo Mulatari Ah Oo Ku Soo Biirayba Ay Kusoo Fool Leeyihiin Tuulada Sanyare ee Degmada Waraabeeye Halaka Dhinaca Kalena La Sheegaayo Inay Ciidan Beeleed Aad U Tiro Badani Ay Ilaa Shalay,Maanta,Habayn Hore Iyo Xalayba Ay ku Soo Qulqulayaan Tuulada sanyare Ee Demada Waraabeeye …. Oo Ay Halkaasi Ka Dhalato Isku Dhac Weyni……………………..

Dhanka Kale Waxaa Maanta (Shalayto) Shir Saddex Geesooda Wada Yeeshay Odayaasha Iyo Cuqaasha Beelaha H/Yoonis Iyo Ciise Muuse Iyo Waliba cabdale Arab Ee Deegaankaasi Tuulooyinka Sanyare Iyo Bilcil Wayso Ee Deg/Waraabeeye Ee Xoolohoodu Wada Daaqaan .Isla Markaana Ay Isku Soo Af Garteen Inay Isku Mowqif Ka Ahaadaan Arintan Maanta ka Taagan Deegaanadaasi Iyagoo Shirkan Ay Isugu Yimaadeen saddexda Beloodba Ay Si wada Jira U Soo Diyaarsaday Iskana Dhex Doortay 15 Oday Oo Gudiya Iyo Ajandaha Kulan La Filaayo Inay Wada Yeeshaan Gudidani Ay Saddexada Beelood Iska Dhex Doorteen Iyo Maamulka Sherkadda Sahaminta Shiidaalka Goob Joogna Ay Ka Ahaadaan Maamulka G/Togdheer ..

Ka Dib Markii Gudoomiyaha Xarunta Maamulka G/Togdheer Axmed Cumar X C/LLaahi (Xamarji) uu Fariin U Soo Diray Odayaasha Iyo Cuqaasha Beesha Reer Xusein Ee Deg/Waraabeeye Oo Aanay Isku Wanaagsanayn Badhasaabka Wakhtigan.Xaadirka Ah

…Halka Dhinacna badhasaabka Gobolku Ku hawlanYahay Fur Furka Iyo Kala Qaybinta Odayaasha Saddexdaasi Beelood Ee Isu Bahaystay Deegaanadaasi Ay Wada Degaan Ee Deg/Waraabeeye Khilaafka Xooganina ka Aloosan Yahay .Markii Uu Badhasaabku Ogaaday Shirka saddex Geesoodka Ah Ee Ay Kuwada Jiraan Beelaha H/Yoonis Iyo Ciise Muuse Iyo C/lle Arab Ee Deegaanka Deg/Waraabeeye Maanta (Shalayto)..

Salaanmedia/Burco