XUSEEN XIRSI CAAMIR CALI
TAXANIHII DIB I MILICSIGII MAANSOOYINKII IYO GABAYADII AAN IDIIN BALLAN QAADAY
WAA MAANSADII LABAAD WAXAANA MAGACEEDA LA YIDHAAHDAA GOBANIMO
maansadan waxaan curiyey 11 isla bishii shanaad 1989 kii ee aan curiyey maansadii LIXLE
waana tan ee akhris wanaagsan
taariikh la gaasiray gabay raadinaayiyo
taxdu raadgur weeyaan
dood ay galeen iyo gaboobe iyo waa gabadh
ninkii garan karaayoow beribaa gabdhaa jirey
tiradooda guudnimo gidigood shan ay tahay
guri qudha kuwada nool
geesi aabohood yahay
laba go,iyo shaadh xidhan
guuleed la odhan jirey
geed u waaban yahayoo
gudiyo u samaysani
ugu geyso waxa dhaca
isna waa gediisee
uu go,aansho dabadeed
xiligays guraayee
taariikhdi gudubtoo
gidigood hablii kece
in geyaan kaxaystiyo
guurbay u baahdeen
guuldarriyo shil weeyee
mayhelin gankoodii
gaalaa u timi jaan
gadh hayeenadii wadey
ninkii gobolka kula yiil
iyo gaaladiisii shir u
gaar ah baa dhacay
waxa lagu gudoonsadey
in lakala gumeystoo
hablihiisa guuleed
midba goono loo raro
gacalooyin kala lume
gacmihii is haystiyo
gacalkii lakala tuur
ninkii guurtida ahaa
hada odaygii guuleed
gabal baa u dumey baas
go, aa loogu shubay lacag
gabdhihiisii lala tegey
muu baadi goobine
geel baabuu foofsaday
markay gaaladii tidhi
waydin guursanaynaa
hablii garashadoodii
sadexbayska dabogalay
midna dhabar garaac iyo
dirqi lagula guri gee
gabadhii hadhaa tidhi
mandho isma geynoo
adna gaal cad baad tahay
anna gabadh madawoo
dhaqan gaara wadatoo
rabi garansan baan ahay
gaalkii wuxuu yidhi
isba guursan maynee
gacmo talo wadaagoo
isku geda ma noqonaa
gaar maw heshiinaa
gabadhii waxay tidhi
waan garwaaqsadee haa
waadse iga gu weyntee
xilka gudo dhankaagoo
xili go,an i maqashii
la gorfee ayaamaa
laysla garay timaantii
wayse garasho dheertee
gabadhii waxay tidhi
buugga waa la guurshaa
gacmo qora ma haystiyo
guri lagu ilaashoo aniga
saan la gigay iyo gogbaa
ii dhigaalaan ku gartaa
fartaydee
madanaan dab geliyoo sida
sumada geelaan xarfahawgu
gubayaa giboow saxeexoo
shakina yaanu kaa gelin
waxaan uga gol leeyahay
wuu u guuxay hadalkaa
gabadhii waxay tidhi
markaan doono iga guur
taana waan gartuu yidhi
gabadhii waxay tidhi
gabdho aniga mooyee
geyigan yaanay ku umulin
gabadhii waxay tidhi
haduu maydba kaa go,o
galabtaaba naga qaad
xilligays guraayee
taariikhdi gudubtoo
lixdankii lasoo gaadh
galka seeftii laga saar
juunoo gabaabsiya
loo gudub xornimadii
gabadhii maxlaalayd
waxa helay geyaankeed
galabtaa ni joogoow
godka lagu janneegii
cabdillaahi geeraar (sareeyoow ma nuqsaamoow aan siduu yahay eegnee aana siib kanna saar)
guri lagu aroosiyo
aqal loo gengaanyoo
gelbis iyo ciyaar iyo
batar gole la wageer (malaa kelmedda gole hadda waaba denbi e)
maalmo gibina dabadood
iyadoo gingimanoo
buracad lagu guduudoo
saddex qayd u gaariyo
kabo fay gamuuriyo
gashan darayo muusoo
dhexda giijinaysoo
dhacle ugu gigtiranyoo
sindi ceeri gaabiya
cududda isku goysoo
magac gaara wadatoo
lagu yidhi gobbaad tahay
loogee wallaasheed
gallad iyo israacbaa
halkaa lagu gudoonsadey
waa lakala guweynyee
gabadhani ayaamaa
shanbay gaar u leedahay
xiligays guraayee
sagaal gu iyo dheeraad
dadkoo gaajo beelay
belo guudka kaga timi
geesh daalinaa kacay
la colow waxgardkii
diintii badh laga guur
al nisaa lakala goo
dhedigii lab loo garay
gabayle iyo laa dheel
cannaanshe guuleed
isna gawrac waaberi
cid gargaarta mooyee
cid ka giilalyootoo
ka hadooda lama arag
waxa dhimatay gabadhii
gobonomo la odhan jirey
gardarriyo dilbaa dhacay
gobollaa la duudsiyey
meyd gurada yaaloo
in xabaal la geeyiyo
godka looga dhaartoo
qosol lagu gargaaroo
layska garab maraa jirey
ninbays ydhi wax dabar goo
xaqa geed ma qariyee
shicibaa guntadayoo
may soo dagaal galay
gabadhii la aasaa
dhab ahaan gilglitoo
ninbay garatay maantaa
ragii goobta joogoo
waxay tidhi gabooboow
godkii jiifi waayoo
ifkaan galabta joogaa
waa maxay gariirkani?
wuxuu yidhi gobtii iyo
guntiibaa is laayoo
geyiga isku haystee
nabar yuu ku gadhine
godkaagii iskaga noqo
waxay tdhi gabooboow
gedo biirsigii iyo ciisii
galbeed yiil ma galeen
dagaalkii?
wuxuu yidhi gaboobena
gedo biirsigii iyo ciisii
galbeed yiil dhiig faraha
geliyoo way galeen dagaalkii
waxay tadhi gabooboow
ma gunbaa dhulbahantuhu?
mase galay dagaalkii?
gabadhyahay wuxuu yidhi
geesigaa nugaal yaal
dhab ahaan gob weeyaan
wasuu galabta joogaa
hashii gureygu jeedloo
geesina uma fayoobee
wuu garan dantiisoo
isna wuu dagaal geli
gabadhii waxay tidhi
nimankaa gabooboow
garoowe iyo ayl dega
guud ahaan majeerteen
ma gunbaw taqaanaan?
wuxuu yidhi gob weeyaan
garashiyo aqoonbale
taa waxaad ku garataa
xiligay gadoodeen
dadku guud ahaantii
way gama,a sanaayeen
gaboobaa wuxuu yidhi
uu u sheegay gabadhii
wersen geli gob weeyaan
geri iyo jibraahiil
gur gure iyo madigaan
gaadsaniyo sheekhaash
garraha iyo gaaljecel
akishaha ka gaarka,a
intuu garab ka haystiyo
raaci gibil cadkiisoo
hawiyena gob weeyaan
gaani iyo afweyniyo
inta guri la joogtee
gardarada ku raacduu
ku gabraarto mooyee
mareexaanka gedo yaal
isaguna gob weeyaan
kurey geel la joogoo
galab qudha la raafoo
xidigaan gundheerayn
guudka loogu tolayoo
galay weerar weeyaan
oday gaajo liitoo
geedkuu fadhiyi jirey
lacag loogu geeyoo
laga xaday garaadkoo
godob loo xamaarshaan
iska garanin weeyaan
gabadhii waxay tidhi
hadii uu gabooboow
dadku wada gobtaa
yahay hadaa gacale
waamaxay guntan
ay is dilayaan?
gabadhyahay wuxuu yidhi
godey iyo awaariyo
gorgor iyo wardheer iyo
gembisiyo masaarriyo
gallaadiyo dhagax buur
gudihii hawaasiyo
ciidii guduudneyd
gaashaamo hawdiyo
gidigeedba xagarey
ninka gaalka siyee
galbo yidhi wajeereey
kuwa gacan ku siiyiyo
guntu taliska weeyaan
gabadhii waxay tidhi
guul baan horteedii
galabtaba arkaayoo
saakana gabooboow
sagal guniyo baaraa
cirka lagu gedaamee
kolkaa goolka dhalisaan
geestaa woqooyiga
miyaa goosanaysaan?
gaboobaa wuxuu yidhi
uu u sheegay gobanimo
gabdhihii maqanaa iyo
gacalooyin kaagii
baadi goob ha joogtee
gidigii dadkaygaba
guud ahan dalkaygaba
isu gee ha joogtee
gabadhyahay sideebaan
kala goyn u yeelaa
gobolla isma bixin karo
ilayn goonidiisee
bal xagee lakala geyn
gafanaa ku naaxiyo
maska qoorta gooyoo
reerka geedi geliyoo
guri lagu negaadiyo
raaxo gee ha joogtee
miyaan aano gudashiyo
kala guris u jeedaa
gaboobaa wuxuu tidhi
aan gebo gebeeyee
gunbay haani tolantaa
gunnimo iyo goba nimo
galabtaa wixii nool
waa go,aan dadka u yaal
xuseen xirsi caamir cali