Madaxweynaha oo la kulmay xubno ka tirsan Beesha Biimaal

madaxweynaha somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu kulan la qaatay Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Biimaal.

Siyaasiyiinta uu kulanka la yeeshay Madaxweynaha, ayaa waxaa horkacayay Wasiirka Garsoorka, Cadaalada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta C/laahi Abyan Nuur.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ka xog wareystay mushkilada ku soo korortay Gobolka Shabeellaha Hoose iyo dadaalada ugu dhow, ee ay Dowladiisu wax kaga qaban karto.

Ilo wareedyo ayaa waxay xaqiijiyeen in xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha, ay ka codsadeen in Beelaha Gobolka ee asalka ah xaqooda laga siiyo maamulkii Gobolka.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu balanqaaday in Maamul ay u ada dhan yihiin dhamaan beelaha Gobolka laga dhisi doono, isla-markaana ay Dowladiisu ka shaqeyn doonto xasilinta Gobolka iyadoo raaceysa talada Dhamaan beelaha dega.

Salaanmedia/Mogdisho