Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan Geliyay Xeerka Bixinta Darajooyinka Ciidammadda

Madaxweynuhu waxa uu digreetadiisa ku sheegay in 10 kun askari la siin doono darajadda oo u dallacay min alifle Illaa Sareeye Gaas

Korodhka Gunooyinka Darajadda waxa La dhaqan gelin doonaa September 2013

HARGEYSA (SM)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa soo saaray Xeer madaxweyne oo uu ku dhaqan galiyay bixinta darajooyinka ciidammadda kala duwan ee dalka, iyadoo darajooyinka loo qeybin doono toban kun oo askari oo u dallacay darajooyinka Alifle illaa Sareeye Gaas.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu Taliyeyaasha ciidammadda faray inay bixiyaan darajooyinkan munaasibadda Ciidul fidriga, isagoo sheegay in korodhka gunnooyinka darajooyinkana laga bilaabi doono bisha September 2013-ka.

Sidaasna waxa lagu bayaamiyay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;

Markuu Tixgeliyey:Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;

Markuu Tixgeliyey:Tallo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;
Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;

Markuu Ku-qancay In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;

WUXUU GO’AANSADAY

Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.”

 

Salaanmedia/Hargaysa