Madaxweynaha Soomaaliya & Axmed Madoobe oo Waji ka Waji Isku Horfadheestay Wada hadalna dhaxmaray(Daawo Sawirada)

Magaaladda Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa ku sugan wafti kasocdda dowladda faderaalka Soomaaliya waxana hoggaaminaya madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,sidoo kale waxaa iyana kusgan wafti kale oo kasocdda maamulka Jubbaland ee saldhiggisu yahay magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,waxana waftiga hor kacaya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madaxweyne ku-xigeenkisa Fartaag.

Labadaan wafti ayaa ujeedkooda jogi taan ee magaaladda Addis-Ababa uu yahay sidii uu u dhex mari laha wada-hadall xal loogu raadinaayo is marin waaga dhexyaal,inkasto la sheegayo kulamo horudhac ah oo ay yeeshen inay isku mari waayen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xaley waxaa uu kulan ballaadhan la qaatey madaxweynaha maamulka uu isaga ka biya diidan yahay ee Jubbaland Axmed Madoobe,kulankaan dhex marey Xassan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa ahaa kulan casho sharaf ah oo uu soo agaasimey madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaan ayaa la sheegey in uu madaxweynaha ku doonayey inuu la hadlo dhinacyadda wada-hadallka wada ee ka socota dowladda faderaalka iyo Jubbaland.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa hadal uu jeediyey intii lugu gudajirey munaasabadii casho sharafka ahayeed waxaa uu ku sheegey inay laga-marman ay tahay in is afgarad wanagsan uu ka dhasho labada dhinac isla markana ay timaado isu tanaasul iyo wax iska dhageysi

“Waxaa muhiim ah inan ogaano danaha ummadda Soomaaliya,waxana idin kula dardarmaya labadiina dhinac ee wada-hadallka wadda inay isku tanaasushaan oo ad wax iska dhageysatan,waana daruuri in xal ad ka gaartan waxkasto oo khilaf ah ayuu ku yiri hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey in loo bahan yahay in magaaladda Addis-Ababa isfahan labadda dhinac ah uu ka dhasho si wada-hadallada kale loogu qabto Soomaaliya.

Warar kale ayaa sheegaya in la isku fahmi waayey qodobo dhoor ah oo ay labada dhinac is hor keeneen,kuwaaso ku aadan maamulidda golayaasha maamulka Jubbaland uu yeelanayo oo ay dowladda faderaalku ay sheegtey inay xubno ku yeelaneysa,waxana arrinta ka biyadiidey maamulka Jubbaland oo iyagana soo dhigay miiska qodobo kale oo ku aadan in maamulidda iyo golayaasha Jubbaland ay u madaxbanaandonto.

Mid ka mid ah waftiga Jubbaland ee shirka qeyb ka ah oo saakey lahadlayey warbaahinta waxaa uu sheegey inay jiraan xubno ka mid ah baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ee qeybta ka ah waftiga dowladda ka socdey inay buuq ka dhaliyeen kulamo horudhac ah oo shaley dhacay,waxana masuulkan oo naga codsadey inan magaciisa la baahin uu inoo sheegey in xildhibaanada dowladda ka socda ay yihiin kuwo diidan in xal laga gaaro wada-hadallada Jubbaland iyo dowladda faderaalka.

…”””Waxaa jira xildhibaano ka socda dhinaca dowladda faderaalka kuwaaso madasha la yimiid qodobo an ku jirin waxa laga wada-hadallayo,waxana ay buuq ka dhaliyeen kulamo horudhac ah oo shaley dhacay…”””ayuu yiri masuulka qeybta ka ah wada-hadallada dowladda faderaalka iyo Jubbaland.

Waxaa lugu wada in maantey uu dhaco kulan ay yeeshan waftii labada dhinac ah oo ay kala hoggaaminayan madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Fartaag iyo wasiiru dowlaha madaxtooyadda Soomaaliya Faarax Cabduqaadir.

Madaxdda urur goboleedka IGAD oo iyagu soo qaban qaabiyey wada-hadall dhexmara Jubbaland iyo dowladda faderaalka ayaa dhinacooda ku dadaalaya in laga mira dhaliyo kulamadda ka socda Addis-Ababa.

Si kasto oo ay noqotaba maantey ayaa laga dhur sugaya sida uu ku soo idlaado wada xaajoodka lugu doonayo in la isla garto inuu sii socdo wada-hadallka dowladda faderaalka iyo Jubbaland.

Salaanmedia/Mogdisho