Madaxweyne Maxamuud Siilaanyo Waa Madaxweynihii Ugu Daacadsanaa Ee Soo Mara Maamulka Somaliland. By: Cabdirisaaq Camuudi.

Madaxweyne Maxamuud Siilaanyo Waa Madaxweynihii Ugu Daacadsanaa Ee Soo Mara Maamulka Somaliland. By: Cabdirisaaq Camuudi.

SIILAANYO

Somaliland waxaa soo marey madaxweynayaal badan waxaana maanta kursiga maamulka ku fadhiya Madaxweynihii ugu daacadsanaa Mudane Mujaahid Dr. Axmed Siilaanyo waayo muddadaas saddexda sanno ee uu mansabka madaxtinimo ku fadhiyey Somaliland waxa ay gaadhey meel sare oo aaney waligeed gaadhin, maxaa yeellay Soomaaliya iyo Somaliland ayaa isa soo hor fadhiistey oo waaqica dambe iyo waayihii midowga iska wareystay, kobaca dhaqaalaha dalka ayaa cirka isku shareeray waana umuurta keentay in maaliyad dhan dhawr milyan oo dollar dib loogu dhiso garoonka diyaaradaha ee degmada Hargeysa.

Xisbul xaalimka Kulmiye muddadii uu talada hayey waxaa dalka ka dhacdey doorashadii golaha deegaanka waana doorashadii u horreysay ee si xor iyo xalaal ah ay ku kala baxaan dadka reer Somaliland waayo Beelihii la muquunin jirey ayaa madaxa la soo kacey, guusha doorashada laga gaadhey dadaalkeeda waxa iska leh Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Siyaasiyiinta qaarkood baa ku sheekeeya in aan Xukuumadu diyaar u ahayn doorasho dambe oo dalka ka dhacda waxaan leeyahay warkaasi waa mid xaqiiqda ka fog oo ay beentiisa mala’awaalayaan rag aan u daneynay dadka iyo dalka Somaliland.

Siyaasada cad ee uu dalka ku hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo horumarka ballaadhan ee wadanka uu ka hirgeliyey Laascaanood illaa Saylac waa arrimaha keenay in ay Somaliland isku soo dhiibaan Siyaasiyiin waa weyn oo labaatan sanno in ka badan indhaha iska hayey damquraadiyada ay gaadhey Somaliland.

Maamul wanaaga Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa mida keentay in uu Wasiirka Madaxtooyada ka dhigo shakhsi ku haboon fulinta shaqada ka socota Qasriga Somaliland waxa kale oo ay keentay kalsooni ay Xukuumadu isku qabto darteed in labadii xisbi mucaarad ay ku wargeliso in ay midoobaan si loo helo mucaarad tayadiisu sareyso oo ilko iyo gawso Siyaasadeed oo hoosta ka xidhiidhsan wax ku goosan kara doorashada dambe ee mustaqbalka.

Raadinta ictiraafka iyo aqoonsiga aan adduunweynaha ka sugeyno yeelkood ee waxaan qabbaa in Beelaha darifyada Somaliland wax saami qeybsi ah oo ka maqan aanu jirin sababta oo ah Beelaha barigu waa kuwaas maalin walbe diyaarka u ah ka qeyb galka maamulka iyo adkeynta nabadgalyada Somaliland sidoo kale Beelaha galbeedkuna jaceylka ay u qabbaan madaxweynaha daacada ah iyo dowladiisa waxaa kuu cadeynaya sida quruxda badan ee ay mar walbe u soo dhaweeyaan iyo waliba sida ay u gudoonsiyaan marka uu socdaal ku tago gobolka Awdal hadyado qaaliya oo ay ka mid yihiin Kitaab Quraana amma shahaadada Phd.

Yididdiilada igu jirtaa waxa ay aamisan tahay amma qireysaa in Madaxweyne Axmed Siilaanyo wadanka hoggaamin karo inta ka dhiman noloshiisa oo dhan maadaama uu fuliyey 100% balanqaayadii uu ku dhawaaqey wakhtigii uu ku jirey ololahii doorashada madaxtinimo ee dalka ka dhacdey sannadkii 2010, waxaa kale oo aan aaminsahay in aaney jirin wax la yidhaahdo Awdalstate haddii ay jirtana aaney joogin halkii looga baahnaa shaqadeeda.

Guntii iyo gabogabadii Madaxweyne maxaan kugu ammaanaa oo aan idhaahdaa? Amma ku istaahila Somaliland oo aan idhaahdaa? Madaxweyne lagama yaabbo in eray amaan ah oo kugu haboon maanta aan ka tagey sidaas darteed maadaama aan ahay qurba joog nafteydu waxa ay naawileysaa oo aan ku maaweeliyaa in aad dhawaan ii magacaabi doonto xil cusub oo waliba ku cusub xukunka dowladnimo ee maamulka Somaliland.

Haddaba Madaxweyne haddii aad xilkaas ii garato oo aad igu aaminto qabashadiisa waxaan balanqaadayaa in aan noqon doonno Siyaasi qunyar socod ah oo siddii adkeyd ee aan u hadli jirey wakhtiyadii hore amma u dhaliili jirey Xukuumadaadda u hadlin isla markaana aan dhaafin Hargeysa, ha ka yaabin in aan soo aakhiro toosiyo cabashooyinka iyo tabashooyinka beesha aan ka dhashey ay ka tirsaneyso Xukuumadaadda, hana ku xisaabtamin in lagu weydiiyo xil aan kayga ahayn, wufuuda aad u direyso dalka dibadiisa in aan sii raaco wax hunguri ah iga geli maayo maxaa yeellay taasi waa balan cad oo aan immikaba kuu sii sheegayo shuruudiisa, waxaan ku dadaali doonnaa in mishaarada aan qaato mooyee shillin kale aannan ku waydiin waxaa kale oo aan wacad ku mari doonnaa in aan ka dhuunto Odayaasha beesha aan ka dhashey haddii ay yimmaadaan magaalada Hargeysa waayo xafiiska madaxtooyadu uma baahna yooyootan, wareer, buuq iyo cabasho aan la garaneyn meel ay ka soo bilaamantey, waxaad igu ogaan doontaa in mar walbe telefoonka gacanta ee aan qaato noqon doono mid aan la heli karin oo muftaaxiisu yahay khadku waa mashquul haddaba Madaxweyne I fahan oo illa garo codsiga arjigan iyo ujeeddada Siyaasadeed ee aan gaaf wareegayo rajadda mustaqbalkeeda.

Allah Mahad Leh.

Abdirisaq Mohamed Barkhad.
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com