Madaxweyne Siilaanyo Oo David Cameron Ka Codsaday Inuu Wax Ka Qabto Talaabada Baanka Barclays Ee Ka Dhanka Ah Xawaaladaha

Aug 11,2013 Hargaysa(SM)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dawladda Ingiriiska u qoray dhambaal uu kaga codsanayo inay wax ka qabtaan go’aanka uu Baanka caalamiga ah ee Barclays ku joojinayo wada shaqayntii uu la lahaa xawaalado tiro badan oo ay ku jiraan kuwo ay reer Somaliland leeyihiin.
Inkastoo aanay madaxtooyada Somaliland meelna ka sheegin in madaxweyne Siilaanyo ku biiray madax iyo dad kale oo magac leh oo dawladda Ingiriiska cadaadis ku saaraya inay kala hawlgalaan sidii loo baajin lahaa go’aamada uu Baankaasi saarayo xawaaladaha, haddana wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa qormadeeda ay toddobaad kasta ku falanqayso waxyaabaha ka jira gobalka Geeska Afrika, waxay ku sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron u qoray qoraal uu kaga dalbanayo inuu farogeliyo arrinta Baanka Barclays oo cadeeyay inuu joojin doono la shaqaynti xawaalado tiro badan oo dunida laga leeyahay. Wasaaradda khaarajiga Itoobiya may bixin faahfaahin dheeraad ah, waxase ay warkeeda ku soo koobtay codsiga Madaxweyne Siilaanyo u diray David Cameron.
Madaxweynaha Somaliya ayaa isna hore ugu qoray dawladda Ingiriiska dhambaal uu kaga codsanayay in laga hawlgalo sidii uu Baankaasi uga noqon lahaa go’aanka uu gaadhay, waxaanu qoraalkiisa ku baahiyay warbaahinta.
Haddii uu Baanka Barclays kaga dhabeeyo go’aankaas waxa la saadaalinayaa inay saamayn dhaqaale ku yeelato gobalka Geeska Afrika, waxaana suurtogal ah inay Baanan kale oo reer Yurub ahi ku dhaqaaqaan go’aankiisa oo kale.

Cadceednews Hragysa Office

geeska afrika