Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ujeedooyin Badan Leh Ku Tegi Doona Magaalada Borama

SIILAANYO

Aug 11, 2013 Hargeysa(SM) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay in uu safar ku tegi doono todobaadka dambe xarunta gobolka Awdal ee magaalada Borama. Inkasta oo safarkani ahaa mid aan la sii shaacin oo aanay warbaahintu ka warqabin, ayaa waxaa shabakada Salaanmedia News u xaqiijiyay Illo xogogaal Ah oo u dhuun daloola xarunta madaxtooyada. Wararka ka soo baxaya safarka Madaxwaynaha Somaliland ee Gobolka Awdal, ayaa lagu sheegay in ujeedadiisu tahay sidii uu xadhiga uga jari lahaa Dhismaha Guriga martida ee Borama, wuxuu ka qaybgeli doona Dufcad arday ah oo ka qalin jabinaysa Jaamacada Camuud, waxaa kale oo uu Madaxweynuhu xadhiga ka jari doonaa jid laami ah oo Hay’adda ASARDA halkaasi ka Hirgelisay.

Ka sakow intaasi, Madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa Oday dhaqameedyada gobolka Awdal oo cabashooyin badan ka tirsanaya xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay ee qabyaalada iyo musuqmaasuqu hadheeyay. Oday-dhaqameedyada Gobolka Awdal ayaa beryanah dambe u muuqday kuwa ka qancay dhaliisha iyo tabashooyinkii looga bartay ee ku aadanaa xukuumada.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxwaynaha safarkiisa ay ku wehelinayaan masuuliyiin ka mid ah xukuumaddiisa, waxaana amaanka Madaxwaynaha sugaya ciidamo ka badan kuwii hore u raaci jiray, waxaana ciidamada ilaalinaya ka mid ah kuwo loo yaqaano RRU/SPU iyo waliba kuwo ilaaladiisa ah.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho cadceed