MAN UNITED V LIVERPOOL ISKU AADKA WAREEGA 3AAD EE CAPITAL ONE CUP OO LA SOO SAARAY

image

 

London(SM)Waxaa la soo saaray shalayto isku aadka wareega 3aad ee Capital One Cup, iyadoo Liverpool ay u safri doonta Manchester United.

Liverpool oo xalayto wareega labaad ee Capital One 4-2 kaga soo badisay Notts County ayaa wareega 3aad oo waxa ay Old Trafford ku booqan doontaa Manchester United oo koobkaan ka soo gashay wareega 3aad madaama tartamada Yurub ay u soo baxeen.

 

Kulanka Old Trafford ka dhacaya waxa ala ciyaari doonaa isbuuca 23ka September ee sannadkan. Luis Suarez ayaa kulankaas uu u noqon karaa hadii la xusho kulankiisii ugu horeysay marka uu ka soo laabto ganaaxa 10ka kulan ee uu haatan ku maqan yahay.

 

Labadan kooxood ee xafiiltanka ba’an uu ka dhaxeeyo ayaana kulan horyaalka Premier League ah ku balansan axada garoonka Anfield.

 

Arsenal ayaa iyadana u safri doonta kooxda Premier League ka dhisan ee West Bromwich Albion wareega 3aad ee Capital One Cup.

 

Chelsea ayaa iyadana u safri doonta kooxda Swindon, halka Aston Villa iyo Spurs ay isku dhacayaan.

 

Manchester City ay marti gelin doonto kooxdii ka qaaday xilli ciyaareedkii hore FA Cup ee Wigan Athletic.

 

Isku Aadka Oo Dhameystiran:

 

Manchester United vs Liverpool

 

Sunderland vs Peterborough

 

West Ham v Cardiff

 

Manchester City v Wigan

 

Burnley v Forest/Millwall

 

 

 

Newcastle v Leeds

 

Southampton v Bristol City

 

West Brom v Arsenal

 

Swindon v Chelsea

 

Tranmere v Stoke

 

Watford v Norwich

 

Aston Villa v Tottenham

 

Hull v Huddersfield

 

Leicester v Derby

 

Birmingham v Swansea

 

Fulham v Everton or Stevenage

 

Waxaa kulamadan la ciyaari doonaa isbuuca ka bilaabanaya 23ka September