Maxadka Faafinta Diinta Islaamka oo Muxaadaro Wacyi galina u Qabtay dhalinyarada Burco.
Burco (SM)- Maxadka faafinta diinta islaamka ee Somaliland , ayaa laba boqol iyo koton ah dhalinyarada dugsiyada iyo jaamacadaha , muxaadaro wacyigalin ah ugu qabatay magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer.
Muxaadaradan oo muhiimadeedu la xidhiidhay ka wacyigalinta dhalinyarada tahriibka ,isqarxinta , waalid inkaarnimada , ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka, madaxda maxadka faafinta diinta , culimo diin iyo marti sharaf badan ayaa lagu qabtay huteel Deero ee magaalada Burco.
Gudoomiyaha maxadka faafinta diinta islaamka Sh.Maxamed Cabdi Yuusuf Mooge ,oo kulankaas ka hadlay ayaa dhalinyarada ku adkeeyay inay maankooda ka saaraan inay tahriibaan oo nafahooda ku halaagaan badaha , balse aaminaan in risiqa eebbe u qoray ka helayaan halkay joogaanba. “ Kolay waxaan inat badan ka wacyigalinaa dhalinyarada tahriibka , isqarxinta , waalid caasinimada, haseyeeshee waxa hada sii badanaya tahriibtii bdhalinyarada , tahriibtuna waa dad risiq raadinaya ,ilaahayna markii uu qofka abuuray ee 120-habeen jiray, ayuu qoray naf walba risiqeeda iyo waxay noqon doontaba,sidaas awgeed hadaad socoto iyo hadii kaleba wixii eebbe kuu qoray wax ka badan heli maysid ee naftiina ha halaagina ee joojiya tahriibka oo ku qanca wixii eebbe kuu qoray oo ku suga dalkiina.” Ayuu yidhi.
Sh. Mooge waxa uu ku dheeraaday halista tahriibku leeyahay , Isagoo tilmaamay inay ka roon tahay adigoo dhulkaaga aamina oo waxa uun ka qabta .
Isuduwaha diinta iyo Awqaafta gobolka Saaxil Sh. Saleebaan Siciid ,waxa uu muxaadaradaas ka sheegay arimaha kaliya ee diinta islaamku ogashahay in loo tago dal islaam ahayn “ Diinta islaamku waxay cadaysay in sadex dariiqo kaliya lagu tagi karaa dalal aan islaam ahayn ay yihiin , In Caafimaad loo tago ,Cilmi looraadsado (Hadii laga heli Karin dal islaama) , iyo in lagu faafiyo diinta islaamka ,wixii intaas ka baxsan ma ogala diinteenu”.Ayuu yidhi Sh.Siciid.
Waxa kale oo Sh. Siciid ku wacyigaliyay dhalinyaradaas in ilaalinta amniga iyo ka fogaanshaha is qarxinta,waalid inkaarnimadu tahay waajib saaran saaran oo looga baahan yahay .
Muxaadaradan wacyigalinta oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ,waxa kale oo ka hadlay Maxamed Xandule Xasan , Sh.Bashiir Bedel Cabdi iyo xubno kale , kuwaa soo dhaliyarada u jeedeeyay muxaadarooyin si faahfaahsan u iftiiminaya halista iyo khatarta tahriibku leeyahay, iyo in aanay banaanayn in nafta la haligo.
Muxaadaradan loo qabtay dhalinyarada dugsiyada iyo jaamacadaha burco ,ayaa ahayd mid si weyn u soo jiidatay quluubtii dhalinyaradaas , fahmayna waxbadan oo aanay hore uga ogeyn halisaha tahriibka, isqarxinta iyo waalid caasinimadu.
Maxadaka faafinta islaamka ,ayaa muxaadarooyin wacyi galina oo noocan oo kale ah u qabta dhalinyarada gobolada Somaliland .
Salaanmedia/Burco
xigasho togdheernews
Togdheernews..Burco