Munaasabada Ciidul-Fidriga Oo Maanta Si La Yaab leh Looga Xusay Magaalada Birmingham UK.(Sawiro)

Daawo Sawirada Sida Looga Ciiday Magaalada Birmingham ee Dalka Ingriiska iyo dadka Somaliland ee ku Dhaqan oo ku Tukaday

 

Birmingham (SM) Thursday, 08August 2013,   Iyada oo maanta guud ahaanba caalamka Islaamka ,si weyn looga xusay munaasibada ciidda Soonfur, ayaa muslimiinta ku dhaqan wadamadooda iyo kuwa dibadahuba, waxaa ay si weyn ugu dabaal-degeen ciiddaasi, iyagoo isugu soo baxay garoomada iyo masaajidada waaweyn, si ay salaada ugu tukadaan, munasaabada Ciidul Fidriga oo ka mid ah labada ciidood ee Dunida islaamka, ayaa si weyn looga xusay ayaa Saaka ama laga oogay Magaalada Birmingham caasimada 2aad ee ingiriiska.

Ciid Birmingham1

Somalilanders aad u tiro badan ayaa isugu yimid barxada weyn oo ku taala Magaalada Birmingham ee Dalka Ingiriiska,  iyadoo halkaas ay ku tukadeen dad kor u dhaafaaya 4000(Afar Kun Qof) ,oo laba jeer kala tukanaayey , ciidamada amniga wadanka ingiriiska ayaa iyagu si weyn amniga u sugaayey, waxaana dusha sare dul wareegaysay , police helicopter ay leeyihiin ciidamada amniga gobolka west midlandsku.

Ma aheyn oo kelliya Somalilanders dadka ku tukanaayay , dadka halkaas ku tukanaayay waxay isugu jireen dhamaan jaaliyadaha Muslimiinta ah ee ku sugan Magaalada Birmingham iyo nawaxigeeda, dadkii isugu soo baxay barxadaas weyn ayaa lagu sheegay in ay yihiin dadkii ugu badnaa ee abid isugu soo baxa halkaasi, iyadoona ay si weyn ugu dhexmuuqdeen dadka Somalida ah halkaasi iyagu aad ugu sugnaa,

Ciid Birmingham2

Hadaba Jaaliyada S/land  ee ku dhaqan magaalada Birmingham iyo nawaaxigeeda , oo xarun ah Gobolka West Midland ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ka mid ahaa dadkii si weyn u oogay ,una xusay Salaada Ciidda Soonfur, jaaliyada ayaa badankoodu waxay isugu timi Park ku yaalla Xaafadaasi Small-Heath ,gaar ahaana Coventry Road iyo Masjidka Alnuur ee Xaafada Bordesley Green ee B,ham.

Saaka aroornimadii hore ayaa mar keliya , waxa isu yeedhay Takbiirta iyo Taxmiida Saalada Ciidul Fitriga , waxaana Xigtay,  In Kumanaan Shacabka muslimiinta ee ku dhaqan Magaalada birmingham oo isugu jira Rag,  Dumar , Caruur iyo Ciroole ay u Dareeraan garoomo iyo masaajido  ee loo qoondeeyey in lagu tukado Salaada Ciida, waxaana Khudabadihii Salaada Ciida Ee Goobahaasi ay u Dhaceen si habsami leh.

Ciid Birmingham6

Inkastoo ay maanta ay ku soo beegantay maalin shaqo, hadana dhinaca kale waxaa farxad ahayd waxbarashada ay iskuulada iyo jaamacadaha ka midyihiin , ayaa iyaga waxaa lagu jirey waqtigii fasaxa weyn ahaa oo gebihaanba xidhnaa, taas oo suurta-gelisay inay dad badan oo muslimiin ah oo ay somaalidu u badan tahay oo ku dhaqan magaalada Birmingham iyo nawaaxigeeda , ay aad u soo camiraan goobahaasi salaada lagu tukanaayey.

Farxad iyo damaashaadka maalinta ciida ayaa waxa ay aheyd mid maanta laga dareemaya ,qeybo badan oo ka mid dalka Ingiriiska ,  ayadoona dadka ay ku wada tukadeen intabadan, salaada ciida garoomada banaan , madaama lagu jiro xiliigii kuleylaha ahaa oo aan qabow laga baqdaa jirin. ciidan ayaa waxaa  ay  ahayd mid  ka duwan  tii sanadii hore kadib markii ay iskugu soo baxeen barxada wayn  ee dadbadan oo ku jiray waqtigii fasaxa iyo weliba cimilada oo ahayd waqtigii kuleylaha,  iyadoo dadka waa wayna ay  halkaas isku gacan qaadayeen, aadna isugu faraxsanaayeen, taas oo ay ka sinayeen dhamaan  bulshada islaamka ah oo dhan.

Ciid Birmingham7

 Caruur aad u qurux badan iyo waalidiintooda ayaa lagu arkayay ayagoo dhex lugeenaya magaalada , kuwaas oo ay ka muuqato farxada maalinta Ciidul-fidriga, waxaana ay ahaayen dadkaasi ku u kala ordayay goobaha ugu caansan magaalada , halkaa oo ay doonayeen in ay kusoo qaataan waqtigooda,  ayna isku soo sawiraan sida dhacda mar waliba oo la gaadho Ciida.

Sidoo kale Farxadaas ayaa ahayd maanta mid ka wada siman dhamaan dadka reer Somaliland Iyo Guud ahaan Dunida Islaamka oo maanta waxaa looga wada ciiday si isku mid ah,  ayadoona sidoo kale farxad ay aheyd mid si gooni ah looga dareemayay , waxaana ay jawigoodu ahaa kuwa aad ugu qanacsanaa bilashada Ciida oo wada camimtay, farxadaasi xitaa ciroolaha.

Ciid Birmingham8

 Ugu danbeyn, guud ahaan dadka muslimiinta ah ayaa iskugu hambalyeynaayey ciidda,”Ciid Mubaarak Kulu Caam wa Antum Bikheyr” , iyagoo sidoo kale si weyn uga muuqatay farxad, waxaanay gaar ahaan kuwa Somaliland qaar ka midda ay ii sheegeen , inay dalkii Somaliland u rajeynayaan Horumar , Barwaaqo iyo inay nabada ilaahay siiyey ugu wado,ciidda ciideedana ku gaadhsiiyo caafimaad.

Sidoo kale dadweynaha aan la kulmay ayaa ka sinaa , waxayna fadliga munaasabada ciida u dirayeen hambalyo , dhamaan Shucuubta Islaamka ee ku baahsan dunida dacaladeeda, khaasatan kuwa Somaliland meel kasta oo ay joogaanba oo ay lahayeen Nagula ciida farxad iyo ray-rayn ilaahayna hayna siiyo barakada ciidul- Fidriga, tan teeda kalena illaahay haynagu gaadhsiiyo ayey yidhaahdeen  caafimaad qab, Badhaadho, Barwaaqo iyo Bashbash. “Aamiin..”

     Xoghayaha jaaliyada guud ee Somaliland wadanka Germany Md, Abdi Ahmed H.Diriye (Abdi Meykal) ayaa ku sugnaa goobtaasi,  Waxaanu hambalyo ku saabsan munaasibada ciidda u gudbiyey oo Dadka S/land ee wadankii hooyo iyo weliba Jaaliyadaha Somaliland ee dibadda iyo dunida islaamka , waxaanu fariintiisa ku bilaabay “ Waxaa sharaf ii ah inaan idin soo gudbiyo hambalyada munaasabadda Ciidul-fidriga , anigoo ku sugan maanta aniga iyo qoyskayguba magaalada B,ham oo aan kula ciidday dadweynaha muslimiinta gaar ahaana jaaliyada S/land ee Birmingham.

Ciid Birmingham9

Dadkii isugu soo baxay tukashada Ciidul Al Firiga ayaa banaanada iyo wadooyinka u yeelay muuqaal aad u qurux badan, kaasi oo aad moodeysid  sharaxaad la daadshey.

    Waxaan leenahay Soonkii aad soonteenna EEBBE ajar iyo xasanaad hanaga wada siiyo. Waxey aheyd bil cibaado , oo ummadda meel walba oo ay joogto si nabad ah ku cibaadeysteen marka loo eego sanooyinkii ka horreeyey Waxaana  Allah ka rajeynaynaa,  inuu naga wada aqbalo Cibaadadeena,Soonkeena iyo fadliga ciida haydinka aqbalo ,munaasabadan barakeysan ay idinku noqoto idinka iyo qoysaskiina mid huwan farxad, kheyr,caafimaad iyo barako, waxaan Allah ka baryayaa in dalkeena Somaliland uu ka dhigo gebi ahaantiisa dal ammaankaa ilaahay ugu sii wado ,isla-markaana barwaaqo ah , dadkiisuna ay nabad ku damaashaadaan markasta  insha’allah… Aamiin”.

Ugu dambayn markale waxaannu hambalyo iyo tahniyad u diraynaa dhamaan umadda islaamka ah gaar ahaan umadda Somaliland oo leenahay ku ciida ciid wanaagsan ciid mubaarak wa kulu caam wa antum bikhayr.

Ciid Birmingham9 (1) Ciid Birmingham10

By, Adan Yusuf Elmi

Birmingham,  UK