Munaasibad lagu sii Sagootiyay Kooxdii Kubada Kolaga ee Jabuuti oo lagu qabtay Hargaysa

Hargaysa 30.Aug 2013 (SM)- Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha, Wasiir Ku Xigeenada Warfaafinta iyo Cadaaladda, , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay Xalay Munaasibad ay Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom u samaysay Kooxdii Kubada Kolayga ee Ka Socday Wadanka Jabuuti.

iyo2Ciyaaryahanadan oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku joogay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay kulamo ciyaareed la yeesheen kooxaha Gaashaan iyo Asluubta iyadoo xafladaas loogu sii sagootinayay lagu qabtay huteel Ambassador ee Caasimada Hargaysa.

Madaxa Iibka iyo Suuq-geynta ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Maxamed Cabdi (Darbo) oo halkaasi ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ciyaaryahanadda Ku ciyaaraya Magaca Caasimadda Djabouti oo booqasho ku joogay Magaaladda Hargeysa.

iyo3Gudoomiyaha kooxda kubadda koleyga xulka reer Jabouti Mr Caamir oo isaguna ka hadlay madasha xafladdan  lagu maamusayey sagootiskooda waxa uu sheegay inay Somaliland kala kulmeen soo dhaweyn iyo qaabilaad wanaagsan oo Aanay markii hore ka filanayn.

iyoWasiir ku kigeenka wasaaradda cadaaladda Sheekh Cismaan Nuur oo Munaasibadaas lagu sii Sagootinayay kooxdaas Ciyaartoyga ah ka hadlay ayaa  sheegay in Kooxdani ay Yimaadeen dalkoodii labaad.

Wasiirka Wasaarada  ciyaaraha ee Somaliland Mudane Cali Siciid Rayagl ayaa ka warramay ahamiyadda ay leedahay qabashada tartamada noocan oo kale ahi iyo kaalinta ay had iyo jeerba ka qaadato Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom badhitaaridda ciyaaraha Somalialnd.

Wasiirka Ciyaaruhu waxa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweyntii ay markii hore u sameeyeen kooxda reer Jabouti,Mr Raygal waa uu Intaas ku daray inuu isagu ka wasiir ahaan la safnaa kooxda reer Jabouti oo safar dheer u soo galay inay guuleystaan balse laga guuleystay.

Salaanmedia/Hargaysa