(SM:Hargaysa) Munaasibad balaadhan oo casho iyo afur ah ayaa xadhiga lagaga jaray Hotel Cusub oo ku soo biiray Hotel-lada waaweyn ee magaalada Hargeysa gaar ahaan koonfurta magaalada Hargeysa.
Munaasibadii furitaanka Hotel-ka oo ahayd mid casho iyo afur ah ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mida xukuumada Somaliland,maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa,salaadiin uu hor kacayey suldaanka guud ee beelaha Somaliland iyo qurba joog tira badan.
Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga weyne waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo hotel-kan cusub ee laga hir geliyey koonfurta magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “ waxaanu soo dhawaynaynaa furitaanka Hotel-kan, waxaanan aad ugu faraxsanahay in mid ka mid xafiisyadii ololaha doorashada aan ku galay laga furay Hotel-kan, waxaanan leeyahay mulkiilaha Hotel-kan waxaan noqon doonaa macmiilkaaga koowaad?ayuu yidhi maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa.”
Xildhibaan Faadumo Cali Madar oo ka mid xildhibaanada Golaha Deegaanka ee dalka Sweden oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa si weyn u soo dhawaysay furitaanka Hotel-kan “hotel-kani waa mid casri ah, waxaana hanbalyo u diraynaa mulkiilaha Hotel-kan Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare, mar labaadkana waxaan leeyahay dadka reer Hargeysa inaad aad ugu farxi doontaan Hotel-kan cusub ee idinku soo biiray kaas oo adeeg fiican idin qaban doona, waana mid aad loogu baahnaa”
Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isaguna ka hadlay furitaanka Hotel-kan ayaa dhiniciisa soo dhaweyey Hotelkan.
Mulkiilaha Hotel-kan cusub ee Casabalanc Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay hotel-kan u fureen qurba joogta Somaliland iyo dadka degan gudaha wadankaba, waxaanu tilmaamay inuu Hotel-kani u furan yahay cid kasta taas oo lagu soo dhawayn doono, waxaanu si gaara u sheegay inuu Hotel-kani u furan yahay dadka dalxiisayaasha ah ee wadanka ku sugan
Salaanmedia/Hargaysa/Office.